Xeer-ilaalinta iyo qareenada oo isku haya caddeymaha kiiska Caasha

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Maxkamadda Racfaanka gobolka Nugaal ee dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah waxay dhageysatay gar-maqalka ku aadan gal-dacwadeedka kufsiga iyo dilka ee Caasha Ilyaas Aadan.

Dhageysigan oo dadweynaha u furnaa ayaa waxa uu ka dambeeyay markii ay racfaan qaateen qareenada saddexda xukumane ee bil kahor ay maxkamadda darajadda koowaad ku xukuntay dil toogasho.

Shaqsiyaadka xukunka ku dhacay ayaa kala ah; C/fitaax Cabdiraxmaan Warsame, C/shakuur Maxamed Dige iyo C/salaam Cabdiraxmaan Warsame.

Qareenadda oo maxkamad ka hor-jeediyey difaacooda ayaa tibaaxey in caddeymaha xeer-ilaalinta ay yihiin kuwa "aan waxbo ka jirin" inkasta oo aysan la imaan kuwa xukunka burin kara.

"Annaga oo ka qiireysan waxa ku dhacay Caasha haddana waxaanu ka xunahay in saddex rag oo kale lagu dili mala awaal ah. Qofka waxaa lagu dili karaa laba waxyaabood; in uu isaga qirto dambiga shan jeer iyadda oo tijaabo caafimaad la marsiinayo iyo laba marqaati ama caddeymo," ayuu Mustafa Maxamed Jaamac oo ah kamid qareenada u dooda xukumaneyaasha.

Saddexda ruux ee xukunku ku dhacay ayaa waxay kasoo hareen todoba qof oo markii hore loosoo qabtay kiiskan lagana soo qabtay Gaalkacyo kuwaasi oo xorriyadooda loo celiyey markii wax dambi ah lagu waayey.

Mr Jaamac oo war-fidyeenka kula hadlay banaanka maxkamadda ayaa intaasi raaciyey "Waxa buuga ku qoran iyo waxay [xeer-ilaalinta] ku hadleyso waa laba kala duwan. Xeer-ilaalintu wuxuu yiri gabadha biyo ayaa ku dhacay oo waa la is-ticmaaley oo biyaa laga helay waa la kufsadey, isaguna wuxuu yiri kantom baa loo isticmaalay, waxyaabaha aan ku dureyno waxyaabahaasaa kamid ah waa wax baadhil ah, oo waxaa la rabaa mariyo.

Xafiiska dacwad-oogaha guud ee dowladda Puntland oo ku adkeystay caddeymihii uu horey soo bandhigay oo ay kamid tahay dhacaano laga qaadey xukumaneyaasha ayaa dhaliilay difaaca qareenadda.

"Maxkamadda maantay waxay yeelatay fadhigii koowaad midka labaad berri [Axadda] bey yeelaneysaa. Laakiin illaa iyo haatan qareenadda lama aysan imaan caddeymo lagu qanci karo oo aan ka aheyn dood-afeed, dood-afeedna maxkamad kama shaqeyso, maxkamad waa itus-oo-itaabsii. Sidaan maxkamada darajada koowaad u tusnay una taabsiiney, iyagaa laga rabaa in ay u tuusaan una taabsiiyaan maxkamadda Racfaanka in caddeymahaan ka keenay hay’adda baarista Puntland ay yihiin kuwa waxbo kama jiraan ah, laakiin hadey maanta oo dhan ku hareeraystaan DNA iyo waxybaa nagala qariyey, iyagaa ka habaabsan nidaamka qanuuniga ahi," ayuu yiri Maxamed Xareed Faarax, ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland.

Ugu dambeyntii, gudoomiyaha maxkamadda Racfaanka oo fadhiga soo xiray ayaa faray dhinacyadda in ay maalinta berri oo Axad ah ay soo dhameystirtaan caddeymaha si loo mudeeyo maalinta xukunka lagu dhawaaqayo.

"Xukunkaasi waxay ku dabaqi doontaa [Maxkamadda] baaritaano aad u fara badan iyo wax kasta oo ay u baahato oo fududeyn ah oo ay u aragto in ay xaq yihiin, kadib maalinta xukunka lagu dhawaaqayo maxkamadda ayaa dib u ic-laamin doona," ayuu yiri Sheekh Aadan Maxamed.

Caasha llyaas Aadan, oo ahayd gabar 12-jir ah, taasi oo bishii Febraayo ee sanadkan lagu faroxumeeyay magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland kadibna si arxan daran loogu dilay ayaa ruxay geyiga Soomaaliya, waxaana xukuumada ay balanqaadey in ay fulin doonto xukun kasta oo ay maxkamadda ku rido gal-dacwadeedkan.

MUUQAALKA FADHIGA MAXKAMADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM