Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Puntland oo lagu aasay Turkiga

Image
Image
Image
Image

ANKARA, Turkey – Marxuum Daa'uud Nuur Muuse oo ka tirsanaa Golaha Wakiiladda dowladda Puntland ee hadda fadhiya ayaa Aas Qaran waxaa loogu sameeyay caasimadda wadanka Turkiga ee Ankara.

Duugta iyo salaada Janaazada waxaa ka qeybgalay Madax ka soctay Safaarada Soomaaliya ee Turkiga, wasiiro, Xildhibaan hore oo isugu jira Puntland iyo federaalka, waxgarad, ehelkiisa iyo dhallinyaro.

Muuse oo la sheegay in uu xanuunsanaa bilooyinkii u dambeeyay ayaa Ankara ku dhintay 26-kii bishaan August, sanadkan 2020-ka.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ka tacsiyeeyay geerida sharci-dejiyaha ayaa ugu duceeyay in uu Eebe u waasiciyo qabrigiisa.

"Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey geerida Marxuumka shacabka Puntland, Golaha Wakiillada Puntland, Guddoonka Golaha Wakiillada, ehelkii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle "SWC" uga baryey marxuumka inuu ku abaal mariyo Jannatul Fardawsa, dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan eheladiisii," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo maalinta uu dhintay kasoo baxday Madaxtooyada.

Mas'uuliyiin ay ku jiraan saaxiibadiis ay kala tirsanaa baarlamaanka oo murugada la wadaagay qoyskiisa kuna qeexay n uu ahaa shaqsi fiicanayaa u rajeeyay bedel wanaagsan iyoo naxariista EBBE.

Bishii Febraayo 21-keeda, 2020 ayay ahayd markii uu u dhintay Maxamed Faarax Mire oo kamid ahaa sharci-dejiyeyaasha hadda jooga ee Puntland, taasoo ka dhigan in Muuse yahay Xildhibaankii labaad.

Alle ha u awada raxmadee, labada mudane oo laga soo doortey gobolka Bari ayaa ifka kaga tegay xaasas iyo caruur. Muuse wuxuu geeriyooday maalmo kadib markii uu Turkiga u tegay xaalado caafimaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM