Xildhibaanno taageeray go'aanka Puntland [Daawo]

Puntland
By Wariyaha Boosaaso , Garowe Online

BOOSAASO, Puntland - Xildhibaanno katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa taageeray go'aankii Puntland ka qaaadatey xiisada u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo Imaaraadka.

Iyagoo Saxaafadda kula hadlayay Xarunta Taliska Ciidamada Badda Puntland ee [PMPF] ee duleedka Boosaaso, Maxamuud Mashruuc iyo Cabdrisaaq Juriile ayaa soo dhaweeyay hadalkii Madaxweyne Gaas.

Juriile, oo ah Gudoomiyaha Guddiga Xiriirka Arrimaha Dibadda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ku amaanay Imaaraadka taageerada ay siiso Ciidanka PMPF-ta ee dowladda Puntland.

Xildhibaan Juriile ayaa bogaadiyay waxqabadka Ciidamada PMPF-ta iyo horumarka ay ka sameeyeen la dagaalanka burcad-badeeda iyo Kooxaha argagaxisada Xeebaha Puntland.

Wuxuu ku tilmaamay mid sax ah hadalka Madaxweyne Gaas ee ahaa in Imaaraadka uu yahay dal xiriir Istaraatiiji kala dhaxeeya Puntland, islamarkaana ay wadaagaan dano badan, oo dhinac Iskaashiga amniga iyo maalgashiga ay kamid yihiin.

Sidoo kale, Senator Maxamud Axmed Maxamud (Mashruuc), oo isna Shirka Jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in Imaaraadka ay tahay dowladdii ugu horeysay ee ka qeyb qaadatey dagaalkii Burcadbadeeda, illaa maantana gacanta ku hayso Ciidanka PMPF.

Labada Xildhibaan oo Puntland ku matala Siyaasad ahaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyay go'aankii maanta kasoo baxay Madaxweynaha Puntland. Halkan ka akhri. 

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey