XOG: Boqor Burhaan oo Gogol u Fidiyey Beelo Colaad Ka Dhexeyso

Image

QARDHO- Magaalada Qardho ayaa waxaa maanta ka furmaya kulan lagu dhex galayo beelo muddo ku dhow Toban sano ku dagaalamayey degaano hoos yimaado gobolka Karkaar.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa gogoshaan fidiyey xili uu ka qayb galayey munaasabdii lagu caanashubayey Beldaajaha Beelweynta Cali Saleebaan taasoo ka dhacdey magalada Carmo ee gobolka Barri. 

Magaladaa Qardho ayaa waxaa maalintii shaley 21 July,2018 soo gaarey Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo si diiran loogu soo dhoweeyey duleedka xarunta gobolka Karkaar isagoo markii dambe salaan ugu tagey Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Gogoshaan ayaa sida warsidaha Garowe Online ogaadey waxaa uu Boqor Burhaan u fidiyey Beesha Ismaaciil Cali Saleebaan, Cumar Cali Saleebaan iyo Ugaar Saleebaan kuwasoo coladaad muddo jirtey u dhexeysey.

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo  dhowaan noqdey issimka beeshaan ku mideysan tahay ayaa hogaminyay ergada ka socota beelaha Ismaaciil Cali iyo Cumar Cali.

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo dhowaan lagu caano shubey

Lama oga in Boqor Burhaan gogoshaan uu fidiyey ku xalin doono sidoo kale colaad mudooyinkii dambe u dhaxaysay beelo ka tirsan Cismaan Maxamud,Ismaaciil Cali iyo Cumar Cali kuwasoo aan heshiis weli laga gaarin.

Coolada gogosheeda la dhigey magalada Qardho ee u dhexeysa beelaha Ismaaciil Cali, Cumar Cali oo dhinac ah iyo Ugaar Saleebaan ayaa soo martey heerar kala duwan oo keentey in la xalin waayey kadib markii mararka qaarkood arimo siyaasadeed lugaha la gali jirtey.

Shacabka Puntland ayaa dhagaha u taagaya in coladaan xal waara uu ka keeno Boqor Burhaan Boqor Muuse xilli siyaasiyiinta maamulkaan ku guuldareysteen. 

-Khilaafka Issimada Puntland- 

Waxaa khilaaf xoogan oo aan qarsooneyn kasoo Madaxweyne Gaas ka gaabiyey xalintiisa u dhexeeya qaar ka tirsan Issimada Puntland. Issimada Puntland ayaa Khilaafkooda saameyn ku yeeshey xalinta colaadaha u dhexeeya beelaha iyo midnimada shacabka daga mandaqadaan kuwaasoo gabi ahaanba aan wax-wada tashi ka laheyn arimaha dhaqanka ee loo igmadey.

Khilaafka Issimada Puntland u dhexeeya ayaa sidoo kale sababey iney ku talaabsadaan qorshe is-gaashaan buureysi ah oo ka dhigey madax dhaqameedka garbyo iska soo horjeeda kuwasoo ku tartama saameynta ay ku leeyihiin beelaha daga mamulkaan.

Puntland oo ku guuldareystey 20kii sano ay jirtey iney nidaamka dimoqaraadiyada shacabkeedu ku doorto siyaasiyiinta u tartameysa aqalka Barlamanka iyo Madaxweynaha ayaa la filayaa in sanadka 2019 nidaamka qabaliga ah ay issimadu u  udub dhexaadka yihiin ku soo xulato 66 xildhibaan. 

Madaxweye Gaas oo siyaasiyiin badan oo ka tirsan mucaaradka ku timaameen in maamulkiisu yahay kii ugu musuqmaasuqa badnaa intii ay jirtey Puntland ayaa sida la rumeysan yahay ku dhex-nool khilaafka u dhexeeya Issimada isagoo mid walba siiya hab-maamuuskiisa u gaarka ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM