Xog: Gaas oo Isbeddel ku sameynaya maamulka gobolka Bari

Image

May 25, 2015 (GO)- Iyadoo maalintii afraad Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku sugan yahay magaalada Bosaso, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu isbeddel ku sameyn doono maamulka gobolka Bari iyo taliska booliska gobolka Bari.

Warar hordhac ah oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in xilka laga qaadi doono Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan. Wararka ayaa intaas ku daraya in xilkaas loosoo magacaabi doono Yuusuf Wacays Dhedo. 

Dhedo ayaa hadda kahor soo noqdey guddoomiyaha gobolka Bari iyo duqa demgada Boosaaso.

Sidoo kale, ila-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in Madaxweyne Gaas xilka ka qaadi doono Duqa Degmada Bosaso Xasan Cabdallah Xasan islamarkaana kala diri doono xildhibaannada golaha deegaanka.

Go'aanka Madaxweyne Gaas ee ku aaddan xil ka qaadista Xasan Cabdalle waxaa kasoo horjeestey qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka degmada, gaar ahaan kuwa beesha uu kasoo jeedo Duqa Degmadu. Odayaashu waxay Madaxweynaha ka dalbadeen in uu arrintaas ka fiirsado maadaama xilligan aysan munaasib ahayn in lakala diro golaha deegaanka.

Mas'uuliyiinta la filayo inay xilalkooda wayaan waxaa kamid ah Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari Cabdixakiim Yuusuf Xuseen. Inkastoo arrintan aan xog dheeri ah laga hayn, waxay hadana wararka hordhaca ahi tibaaxayaan in xilkaas loosoo magacaabi doono taliyihii hore ee Ciidanka Madaxtooyada Puntland Cumar Cabdullaahi Faroole.

Sababaha xilka looga qaadayo Taliyha Qaybta Booliska Bari waxaa ugu muhiimsan dhaliil ka timid shaqadiisa iyo weliba inay wada shaqeyn kari waayeen Cismaan Xasan Cawke Af-dalow oo hadda hoggaamiya ciidamada Birmadka ee dhowaan magaalada Bosaso soo gaarey si ay ammaanka u sugaan.

Haddii Cumar Faroole loo magacaabo taliyaha cusub ee qaybta booliska gobolka Bari, waxaa suurogal ah in arrintaasi saameyn ku yeelato taliska ciidanka dekedda.

Isku-shaandheynta Golaha Wasiirrada:

Dhank kale, waxaa aad loo hadal hayaa isku-shaandheyn la filayo in Cabdiweli Gaas dhowaan ku sameeyo golihiisa wasiirrada. Isku-shaandheynta ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato inta badan xubanaha Golaha Wasiirrada, kuwaasoo qaarkood laysku beddeli doono qaar kalena xilalka laga qaadi doono.

Siyaasiyiin caan ah oo ay ku jiraan kuwo ka qayb galay doorashadii madaxtinimada ee dhacdey sanadkii 2014 ayaa u xusul duubaya inay kusoo biiran Golaha Wasiirrada.

Wasaaradaha aadka loo hadal hayo in isku-shaandheyntu saameynta ugu weyn ku yeelan doonto waxaa kamid ah: Wasaradda Maaliyadda, Wasaaradda Amniga, Wasaaradda Kaluumeysiga, Wasaaradda Haweenka iyo Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM