XOG: Gaas oo ku wareejiyey PASSWEYN qayb kamid shaqadii Wasaarada Degaanka Puntland

Image

GAROWE- Shir golaha xukuumada Puntland isugu yimi Khamiista lasoo dhaafey ayaa waxay cod gacan taag ah ku ansaxiyeen golaha Wasiiradu xeerka biyaha "Puntland". Qoraal kooban oo kulankaas kasoo baxay ayaa waxaa dhamaan maareeynta iyo maamulka nidaamka biyaha Puntland agu wareejiyey hay'adda biyaha iyo tamarta Puntland "Passaweyn, sidaas waxaa ogaadey Garowe online.

Hay'adaan oo shaqadeedu aheyd hagaajinta ceelasha, qodista ceelasha dhaadheer iyo maareynta biyaha dhulka hoostiisa ku jira ayaa asbuucyadii la soo dhaafey olole xoogan ugu jirtey sidii loogu soo wareejin lahaa qayb kamid shaqada Wasaarada degaanka Puntland iyadoo wararku sheegayaan, arinkaas gacasaar kala yeelatey saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Sida xoggo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan hay'adaan oo goob joog ka aheyd kulankii golaha Wasiirada Puntland ayaa waxay codka u qaadeen go'aankaan. Wasiirka Wasaarada iyo ku xigeenkiisa ayaa isku dayey iney difacaan arinkaan sida wararku ku soo gaareen warsidahaan balse way ku guuldareysteen kadib markii Madaxweyne Gaas culeys badan saarey xubnaha kale ee golaha xukuumada.

Go'aanka golaha Wasiirada ay ku gaareen in hay'adda Passaweyn lagu wareejiyo shaqadaan ayaa waxaa loo gudbiyey golaha Barlamanka si uu sharci uga dhigo. Lama oga sababta Madaxweyne Gaas xiligaan oo waqtigiisa gabaabsi yahay isbadaladaan u sameynayo.

Wasaarada deegaanka Puntland ayaa cabasho ka dhan ah go'aanka hay'adda Tamarta iyo Biyaha Puntland Baasowayn loogu wareejiyey T0R-keeda waxay u gudbiyeen Barlamaanka Puntland taasi oo ay ku sheegeen iney ku xadgudbayso qayb ka mid ah mas'uuliyadihii iyo shaqadii wasaaradu u xilsaarnayd .

Madaxweyne Gaas ayaa horey u faragalin ugu sameeyey mashruuc Hay'adii Wakiilka uga aheyd Midowga Yurub "GIZ" dhismaha Wadada isku xiri lahyed tuulada Jalam iyo Xarfo, kaasoo degaanka jidka laga dhisayo lagaga ilaalilanayo Nabaad guur ku yimaada. Gaas ayaa mashruucaas ku wareejiyey shirkad gaar loo leeyahay oo tageero ka haysata xafiiskiisa balse waxaa diidey iney la shaqeeyaan hay'adda GIZ oo sheegtey iney hirgalinta mashruucaan ku aamnineyso Wasaarada degaanka Puntland.

Wasaarada degaanka Puntland oo la aasaasey xiligii Cabdiraxman Faroole Puntland Madaxweynaha ka ahaa ayaa shaqada ay u xilsaaran tahay waxaa kamid ah "TOR" maareynta bay'adda degaanada maamulkaan hoos yimaada sida ka hortaga nabaad guurku dhulka ku dhaca, ka hor-tagista boholaha ka sameysmaya dhulka togaga afka ku haya, dhireynta iyo sameynta waro biyaha celiya. Dhamaan talaabooyinkaan ayaa ah sida qoraalada hoose ku cad ilaalinta degaanka "Environment"  kuwasoo lagaga hortagaya in waxyeelo soo gaarto dhulkaan oo dooxooyin u badan.

Gaas ayaa lagu eedeeyaa inta uu xilka hayey Madaxweynihii ugu musuqmaasuq badnaa ibid soo mara maamulkaan tan iyo intii dhibada loo taagey.


Halkaan ka fiiri Cabashada Wasaaradu Barlamaanka u gudbisay iyo digreetooyin ay qoreen Madaxwayne Gaas iyo Madaxwayihii ka horeeyey ee Farole oo kala qeexaya masuuliyadaha biyaha la xiriirka ee Baasawayn iyo wasaarada .

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM