XOG: Kooxda Daacish oo lacago ku soo rogtey shirkadaha iyo ganacsatada Boosaaso

Image

BOOSAASO ( GO) - Xarunta ganacsiga maamulka Puntland ayaa waxaa ka taagan cabsi lasoo gudboonaatey ganacsato iyo shirkado xarumo ku leh magaalada Boosaaso kadib markii kooxda taageerta Daacish ku soo rogtey iney bixiyaan lacago amar ah, sidaas waxaa ogaadey Garowe Online.

Kooxdaan oo ku dhuumaaleysta saldhigyo ku yaal Barriga Puntland ayaa waxay bilaabeen bilihii ugu dambeeyey qorshe xowli ku socda oo ay dhaqaale kaga urur-sanayaan ganacsatada iyo guud ahaan shirkadaha dagan magaalada Boosaso.

Wararka ayaa sheegaya in Daacish falal baqdin galin iyo dilal ah u gaysanayaan ganac-satadii ka dhaga adeygta dalabkooda halka dhinaca kale ku hanjabayaan iney curyaaminayaan shaqada shirkadaha ka howlgala gobolka Barri guud ahaan.

” Waxaa jirta baqdin aad u badan oo lasoo gudboonaatey ganacsatada iyo shirkadaha kuwaas oo la waydiinayo lacag xad-dhaaf ah,” sidaas waxaa GO u sheegey ganacsade diidey magaciisa.

Ururka Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysta buuraleyda Galgala ayaa waxaa xogtaan xuseysaa in uusan qayb ka aheyn waqtigaan qorshaha ay wado kooxdaan sheegata iney ka tirsan tahay ururka Daacish.

“ Al shabaab iyadu muddo ayey ka qaadaanayeen lacago ganacsata Boosaaso, uma baahna hadda iney Dad ku laayaan balse qolada ololaha cusub la soo baxdey waa Daacish, “ sidaas waxaa GO u sheegey qof ku sugan magalada Boosaaso oo diidey magaciisa.

Magalada Boosasso ayaa 7 August,2018 waxaa lagu diley Maaareeye ku xigeenkii shirkada Isgaarsiinta Golis Cabdulahi Cali Cumar kadib markii dabley hubeysan rasaas la begsadeen isaga oo kasoo baxaya Masjid Salaada Cisho uu ku tukanayey.

Warsidaha Garowe Online ma xaqiijin in dilka Mareeye ku xigeenka Golis la xiriiro ololaha dhaqaale doonka ah ay Daacish kawado magaalada Boosaaso balse waxaa jira warar sheegaya in birta anteenada taleefanada ay ku leedahay shirkadaan degmada Qandala kooxdaan damisay maalmihii la soo dhaafey.

Sida ilo xogogaal ah oo ka tirsan saraakiisha amniga Puntland u sheegeen GO, kooxda Daacish ayaa bil walba magaalada Boosaaso ka hesha dhaqaale gaaraya 72000 dollar.

Dhaqdhaqaaq-yada kooxaha argagixisada ah kawadaan Puntland gaar ahaan magaalada Boosaso ayaa kor u kacey sanadihii ugu dambeeyey kadib markii meesha ay ka baxeen shaqadii hay’adahii amniga Puntland kuwaas oo sanadihii ugu dambeyeey fadhiid noqdey, dhaqaale la'aan lasoo gudboonaadey awgeed.

Dhinaca kale waxaa hoos u dhacdey kalsoonida shacabku ku qabeen in hay'adaha amnigu ka difaacaan kooxahaan taasoo sida xogtaan xuseyso markii dambe sababtey iney khasab ku noqoto in ganacsatada iyo shirkadaha qaarkood bixiyaan lacagaha amarka ah ee lagu soo rogey.

“Puntland gabi ahaan kama jiraan hay’ado sirdoon oo shaqeeya waqtigaan, waxaana hubaa ineysan dowlada Puntland waxba ka qaban karin falalka dilka ah ay kooxahaan gaysanayaan iyo kuwo ay qorsheynayaan mustaqbalka, waxaana sameysmey intii Madaxweyne Gaas xilka hayey shabakado ama Network adag oo ay ku howlgalaan nimankaan,” sidaas waxaa GO u sheegey sarkaal ka shaqeyn jirey hay’adaha sirdoonka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa dhowaan xilka ka qaadey agaasimahii hay’ada sirdoonka Puntland isagoo aan weli magacaabin qofkii badali lahaa. Gaas ayaa muddo xileedkiisa waxaa ka harsan muddo Shan bilood ah.

Ra'isal wasaaraha Soomaaliya oo dhowaan booqasho ku yimid Puntland ayaa ka baaqdey safar uu ku tagi lahaa magaalada Boosaso iyadoo warar lagu kalsoon yahay u sheegeen GO in sababtu aheyd kadib markii Madaxweyne Gaas iyo saraakiishiisa damaanad qaadi waayeen amnigiisa. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM