Xog laga helay cida geysatay dilka Madaxii P&O ports ee Dekadda Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Xaalada magaalada Boosaaso, xarunta ganacsiga dowlada Puntland, ayaa degan kadib markii saaka ay soo martay saacado jahwareer ka dhashay dilka madaxii Shirkadda P&O ports ee Dekadda Boosaaso.

Dabley ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha Dekadda, gaar ahaan qeybta Kalluunka ee Nad-Fish ku dishay madaxii shirkada P&O ports, Paul Anthony Fermosa, iyadoo weerarka uu ku dhaawacmay ku xigeenkiisa oo u dhashay India iyo saddex kale.

Kooxda dilka fulisay oo labo dhalinyaro bastoolado ku hubeysan ay ahaayeen, ayaa mid kamida gacanta lagu dhigay, halka midka kale toogasho lagu dilay.

P&O ports ayaa ah shirkadda fadhigeedu yahay Dubai oo hoostagta DP World, lagana leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, taasoo heshiis 30 sano ah, oo ay ku maamuleyso, kuna ballaarinayso Dekadda Bosaso la gashay Puntland 2017-kii.

"Dhamaantooda dhaawacooda waa mid salhan..waxaana urajaynayaa inay si deg deg ah usoo kabsadaan," sidaasi waxaa wariyaasha u sheegay goor dambe maamulka ugu sareeya ee gobolka.

Sida ay warbaahinta u sheegeen mas'uuliyiinta, falkaan argagax leh waxaa ka dambeeyay hal qof, kaasi oo haatan ku jira gacanta laamaha amanka, ayna dhaawaceen markii uu dhibtu geystay.

Yuusuf Maxamed Wacays [Dhedo], gudoomiyaha gobolka Bari, ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in toogashada ay ka dhacday gudaha dekada iyo in ruux geystay uu kamid ahaa Kalluumeysatada.

Dhedo ayaa tibaaxay in gacan ku dhiiglaha oo haatan lagu daaweynayo Isbitaalka guud ee magaalada goorta uu soo kabto ay u soo bandhigi doonan war-fidiyeenka, isaga oo umuuqda mid dalbanaya joojinta buun-buunin.

"Intii aan ku jirnay uruurinta xogta, waxaan maqleynay in dilka uu ka dhacay gudaha dekada, waxba kama jiraan…[degaankooda] oo ah taala dhismaha cusub ee wasaarada Dekada ayay kasoo baxeen…ninka dilka geystay oo Al-Shabaab ah, kaasi oo aanan ahayn Kaluumeysato..meel buu fadhiyay Bastoolad baa u qarsooneed…si lama filaan ah buu kusoo dhex-galay, iyada oo ilaalada usii galbinayaa xafiiska...rasaasta ayuu si dhaqsi ah ku furay, waxayna ku dhacday wakiilka…ciidamaduna way ka fal-celiyeen…dhaawac ayaa loo geystay..marka uu soo caafimaado warbaahinta ayaanu horkeeni doonaa," ayuu Gudoomiyhu hadalkiisa daba dhigay.

Dhinaca kale, madaxwaynaha DPL, Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay dhacdaan ayaa ku tilmaamay fal argagaxiso, isaga oo cod dheer ku balanqaaday baaritaan dhab ah iyo in cadaalada ay wajahaan cid kasta oo ka qayb-qaadatay falkaan.

"Argagaxisada iyo cid kasta oo garab u ah waxay la kulmi doontaa ciqaab adag," ayuu Madaxwaynuhu raaciyay, isaga oo wacad ku maray in ahmiyada koowaad uu siinayo sidii uu usoo celin lahaa amniga degaanada Puntland.

Dilkaan maanta ka dhacay Boosaaso ayaa imaanaya iyada oo gobolka uu ka socdo loolan u dhaxeeya Ururada Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogeystay degaanada PL mudadii uu xafiiska joogay Cabdiwali Gaas kadib dayacaad maamulkiisa ka timid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM