Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta furay Kal-fadhigga 58-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ee furitaanka Kal-fadhigga Baarlamaanka uga hadlay, Shaqooyinka Dowladda Puntland u qabsoomay intii u dhexeysay labada Kalfadhi iyo qorsheyaasha hortebinta u leh Dowladda.

Wuxuu sidoo kale Madaxweynuhu ka hadlay marxalada dalku galay ee ah in wakhtigu ka dhammaaday Dowladii Federaalka aheyd ee Soomaaliya, iyo duulaanka iyo burburinta uu dalka ku hayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud sifo sharci daro ah ku jooga xafiiska.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamuud Maxamed Ciise (Awoowe), Goleyaasha Dowladda, Saraakiil Madaxtooyo, Guddoomiyaha Gobolka iyo Kan Degmada Garoowe, Ururada Bulshada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM