XOG: Madaxtooyada PL oo amar ku bixisay burburinta xayeysiisyada Musharaxiinta

Image

GAROWE, Puntland -  Magaaalada Garowe oo ay ku baahsan yihiin boorarka lagu xayeysiinayo musharaxiinta u tartameysa xilka doorashada Puntland oo dhaceysa Jan 8, 2019 ayaa waxaa jira amar kasoo baxay xafiiska Madaxtooyada kaasoo faraya in la burburiyo dhamaan boorarka dacaayadaha ee ka muuqda bartamaha magaalada, sidaas waxaa ogaadey warsidaha Garowe Online.

Amarkii ugu horeeyey ayaa caawa fiidkii waxa lagu fuliyey goob gadiidka dadweynaha “ Bus Stop” laga raaco oo ku taal xarunta Baarlamaanka Puntland horteeda iyadoo gabi ahaan dhulka la dhigey muraayadihii ay ka sameysneyd goobtaas oo ay ku jireen sawirada musharax Farax Cali Shire kasoo kamid ah siyaasiyinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Puntland 2019.

Shirkada la yiraahdo Bilicsan oo dhowaan ku soo kordhisay magaalo madaxda Puntland ee Garowe boosteejooyin laga raaco gadiidka dadweynaha ayaa sida warsidaha Garowe Online ogaadey iska laheyd bartaas la burburiyay, waxayna musharaxa ka kireysatey qaar ka tirsan Baro lagu dhajiyo boorarka xayeysiinta.

Sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan amarka lagu Bur-buriyey goobtaas ayaa waxa bixiyey Taliyaha ciidamada Madaxtooyada oo lagu magacaabo Captan, waana midda sababtey ineysan talaabo qaadin ciidamada ilaalinayey xarunta Baarlamaanka kuwaasoo goobtaas aysan ka fogeyn.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Cabdiweli Gaas xafiiskiisa uu la xiriiriyey maalmhaan shirkadaha iska leh madbacadaha wax daabaca, kuwasoo u sheegayey in Puntland aysan doorasho ka jirin islamarkaana joojiyaan daabacaadaha ay u sameynayaan musharaxiinta.

Xafiiska ayaa sidoo kale ganacsatadaan u sheegay in magaalada Garowe uu ka dhacayo shir maamulada Soomaalida isugu imaanyan islamarkaana aan loo baahneyn in lagu arko xayeysiisyo doorasho.

Xafiiska olalaha Musharax Farax Cali Shire oo war ka soo saarey falkaan ayaa ka dalbadey laamaha amniga iney baaraan dadkii ka dambeeyey falkaan.

Guddiga amniga gobolka Nugaal ayaa kulan ay qabteen maalmihii la dhaafey ka soo saarey qodobo lagu adkeynayo amniga magaalada kuwaasoo digniin u direy kooxaha fuliya Falalka noocaan oo kale ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa tan iyo intii barlamanka Puntland soo saarey waraaqda lifaaqa doorashada Puntland ee dhaceysa Jan 8,2019 waxaa isku dayey sidii uu u carqaldeyn lahaa in Dastuuriga maamulkaan u hogaansamo isagoo weli diidan inuu ku dhawaaqo musharxnimadiisa. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM