XOG: Sida hay'adda UNICEF u bixisay Mashruuca Shabaabka baxsaday

Image

GAROOWE, Puntland- Xilli ay soo shaac baxday inay baxsadeen 13 kamid ah koox argagixiso ah ee lagu soo qabtay dagaalkii Sannadkii 2016 Puntland la gashay mallayshiyaadka ururka Al shabaab soo ayaa waxaa soo baxaya xogo la xariira habka loogu heshiiyay waxa loogu yeeray "Dhaqan celin loogu samaynayo dadkaan lagu qabtay dagaalkaas".

Xogta ayaa sheegaysa in heshiiskan ay wada galeen hay'adda UNICEF iyo urur lagu magacaabo Puntland Youth and Social Development Organisation (PSA) oo uu madax ka yahay Cabdifitax Maxamed Sugulle kaasoo ah nin ay aad isugu dhowyihiin Madaxweyne Gaas.

Warsidaha Garowe Online oo ahaa Website-kii ugu horeeyay ee shaaciya in UNICEF dhaqale ku bixiso arrinta iyo fakashada maxaabiista Shabaab, ayaa ogaaday in Heshiiskan labada dhinac uu ku kacay lacag garaysa Nus Malyun doollar oo ay bixinaysay hay'adda bad-baadinta Carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobe iyadoo soo marinaysa ururka PSA, si loogu dabaro Kharashaadka dhinaca nolosha iyo waxbarashada.

Mashruucan ayaa lagu bixinayay waxa loogu yeeray "Children Al-shabaab armed Force Group (CAAFAG)" oo looga faa'iidaynayay 38 kamid ahayd maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalladii ka dhacay Suuj, Garmaal iyo Garacad ee Puntland, waxaana wajiga Koowaad ee hay'addaasi (UNICEF) bixisay wajigii hore oo bilaabanayay 24kii January 2017, dhaqaale dhan86% oo u dhigmayay [US$ 259,449.00 (Laba Boqol Konton iyo Sagaal Kun, Afar Boqol Afartan iyo Sagaal Doolar].

Wajigii 2aad ayaa soo bilowday 23 Agoosto 2017, waxaa ku baxay [$165,450.00 (Boqol Lixdan iyo Shan Kun, Afar Boqol iyo Kontton Doolar] oo ay ka faa'iidaystay 40 kamid ahaa maxaabiistaas oo la sheegay inaysan gaarin da'da Qaan-gaarka, taasoo hay'adda UNICEF heshiis kula gashay ururka lagu magacaabo Puntland Youth and Social Development Organisation (PSA).

Heshiiskan waxaa lagu sheegay in kooxdaan lagu xannaanaynayo guriga lagu magacaabo (Safe House) oo ku yaalla gudaha magaalada Garoowe, kaasoo ay waardiye ka yihiin ciidamo katirsan Asluubta iyo Booliiska Puntland.

Mashruuca CAAFAG, wuxuu socday sida heshiiskan ku cad Lix bilood, waxaana ku baxaysay lacag gaaraysa US$ 303,339.00, waxaana hay'adda UNICEF ay sheegtay in mashruucan uu saamaxayo in maxaabiista loo sameeyo dhaqan celin, waxbarasho, tababar dhinaca xirfadaha ah iyo caafimaadka.

Dhinaca kale warar warsidaha GO ka heley ilo xogogaal ah ee ku dhow UNICEF ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan hay’addaan oo rabey iney la kulmaan maanta Cabdiweli Cali Gaas ay ka hor-istaageen xubno ka tirsan ururka mashruucaan qaatey kuwasoo xiriir toos ah la leh Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

60 qof ayay ahaayeen dadkii laga reebay maxkamadaynta maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalladii ka dhacay dhul xeebeedka kulaala bad-weynta Hindiya, waxaana 20 kamid ah 60-kaas loo wareejiyay magaalada Muqdisho, iyadoo ay gacanta ku hayaan Ururka Waddaniga ah ee ALAMAGAN. Maxaabiistan ayaa la sheegay in dhaqan celin loogu samaynayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyadoo arrintan ay dabada ka riixaysay Qaramada Midoobay.

Arrintan ayaa bannaanka imaanaysa xilli 4 kamid ah maxaabiistii Baxsaday gacanta lagu soo dhigay waloow wararka qaybtood sheegayaan in saddex kamid ah Shabaabka fikaday ay dib ugu soo laabteen xaruntii lagu xannaanayn jiray (Safe House) kadib markii ay garan waayeen meel ay qabtaan.

Mas'uulka eeda ugu badan ay fuulayso ee Cabdifitaax Sugulle wuxuu bartiisa Facebook qoraal uu soo dhigay isaga fogeeyay eeda loo haysto, wuxuuna sheegay in laga faafinayo warar khatar galin kara noloshiisa. Balse heshiiskan wuxuu dhigayaa inuu yahay shakhsiga soo qaatay mashruuc lagu bixiyay lacagta badan ee lagu xannaanayn jiray Shabaabkii duullaanka ku soo qaaday deegaanada Puntland.

Hooska ka Akhriso Heshiiska dhexmaray ururka PSA oo uu Madax ka yahay Cabdifitaax Sugulle iyo hay'adda UNICEF, waxaana Warsidaha Garowe Online kasoo xigtay webka madalfuran.com oo helay war-qadda lagu kala saxiixday mashruuca CAAGAF. 

 

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM