XOG: qaar ka tirsan Isimmada Puntland oo la kulmey Xasan Shiikh

Image

GAROWE, April 29, 2015 (GO)- Qaar ka tirsan isimmada Putland ayaa maanta kulan muddo saacado ah qaatey waxay madaxtooyada Garowe kula yeesheen Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud.

Warsidaha Graowe Online ayaa ogaadey in kulankaas goob joog ka ahaayeen ilaa kow iyo toban madax dhaqameed ayna Madaxweynaha Somalia kala xaajoodey mowqifkiisa ku aadan shirweynaha lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe ee Somalia.

Wararka ku xeeran kulankan ayaa xusaya in Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh isimmada u sheegey in gobolka Mudug sida hada u qaybsan yahay ahaan doono iyadoo aan waxba loo dhimeyn jiritaanka Puntland, waa sida uu hadlka u dhigeye.

Mudane Xasan Shiikh ayaa dhinaca kale sida Garowe Online xog hoose ku heshay wuxuu hoosta ka xariiqey in maamulka gobollada dhexe u dhismi doonaa nooqon doono mid kumeel gaar ah ah islamrkaana ay ku midoobi doonaan koonfurta Mudug iyo gobolka Galgaduud halka sadexda beelood ee Hawiye, Dir iyo Mareexaan qayb ka noqon doonaan.

Dhinaca kale madaxweynaha Somalia ayaa sheegey in dib u eegista lagu sameyn doono dastuurka Somalia xal u keeni doonto qodobka ah in maamul goboleed noqon karaan labo gobol iyo ka badan isaga oo intaas raacshey in dhammaan maamullada dhismaya inta ka horeysa xilligaasi ahaanayaan kuwo kumeel gaar ah.

Wararka ayaa sheegaya sidoo kale in Madaxweynaha Somalia inta uu kulankani socdey uu si wanaagsan uga wada jawaabey dhamaan su'aalahii ay isimmadu ka waydiiyeen arrimaha Somalia.

Madaxweynaha Somalia ayaa furitaanka kulanka Cadaado khudbad uu ka jeediyey ka sheegey in maamul goboleedka gobollada dhexe ka koobnaan doono gobolka Galgaduud iyo gobolka Mudug. HALKA KA DHAGEYSO 

Shirka magaalada Cadaado uga socda beelaha daga gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug ayey wararka aan helaynaa sheegayaan in maanta 29 April, 2015 odyaasha dhaqanku kala direen guddiga farsamada kadib markii khilaaf soo kala dhexgaley.

Odayaasha dhaqanka ayaa wararku sheegayaan iney dalabadeen in beelaha ka qayb galaya ergadooda ka imaan doonaan gobolka Mudug " Woqooyi iyo Koonfur" iyo gobolka Galguduud halka guddiga farsamada oo wasaaradda arrimaha gudaha dowlada Federaalka xubin ka tahay go'aankaas ka biyo diidey.

Talaabadaan ayaa ku soo beegmeysa kadib markii Madaxweynaha Somalia kulan uu kula qaatey isla maanta magaalada Garowe qaar ka tirsan Issimada Puntland kuwasoo ay ka wada hadleen shirweynaha magaalada Cadaado ka socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM