Qodobada lagaga hadlayo kulanka Muqdishu uga socda Somalida

Image

20 Oct,2015 (GO)- Kulankii uga furmey xerada Xalane ee magaalada Muqdishu madaxda dowlada Federaalka Somalia iyo maamulada Somalida 19 October,2015 islamarkaana ay goob joog ahaayeen beesha caalamka ayaa waxaa lagu soo bandhigey Afar qodob.

Beesha caalamka oo shirkaan ku martiqaadey halka ay ka dagan tahay magaalada Muqdishu ( Xalane) madaxda Somalida iyo wafuudii ay hogaaminayeen ayaa waxey u soo bandhigeen in laga doodo qodobada loo mari karo in wadanka Somalia ka dhacdo doorasho sanadka 2016.

Qodobada laga doodey kulankii uga furmey Muqdishu madaxda Somalida ayaa waxaa kamid ahaa:

1- In wadanka Somalia laga hirgalin karo doorasho xor ah oo dadweynaha sanduuqa ku dortaan madaxda wadanka hogaamin doonta marka la gaaro sanadka 2016.

2- In nidaamkii 4.5 dib loogu noqdo kasoo lagu soo xulayo xildhibaanada Barlamanka kuwasoo dooran doona madaxweynaha dowlada Federaalka.

3- In maamulada ka jira Somalia iyo kuwa dhismi doona soo xulaan xildhibanaada Barlamanka dowlada Federaalka.

4-In 92 degmo ee jirey waqtigii dowlada uu madaxweynaha ka ahaa AHN Maxamad Siyaad Barre degmo walba soo doorato 3 Xildhiban oo u matala Barlamanka Federaalka Somalia.

Qodobadaan ayaa xubno ka socda ama matalaya madaxda dowlada Federaalka iyo maamulada ka jira Somalia waxey bilbeen iney  ka doodaan midka ugu haboon ee lagu gaari karo doorasho xor ah ee wadanka ka dhacda sanadka 2016.

Wararka aan ka heleyno kulankaas ayaa sheegaya in doodaan ay socon doonto ilaa maanta 20 October,2016 iyadoo la filayo ineysan kasoo bixin wax go'aan rasmi ah balse u badnaan doonaan dhageysiga mowqifyada dowlada Federaalka iyo maamulada Somalida.

Dhinaca kale warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in madaxda dowlada Federaalka iyo maamulada kala tageersan yihiin Afartaan qodob balse aysan watigaan muujineyn mowqifkooda ku aadan.

Qaabka dowliga ah ee ka jira Somalia ayaa waqtigaan ku saleysan nidaamka qaybsiga 4.5 kasoo siyaasiyiin badan kasoo horjedaan in dib loogu noqdo halka kuwa kale diidanyihiin in nidaamka degmooyinka lagu soo xulo xildhibaanada.

Lama oga halka ay cuskan doonto balse waxaa muuqata in beesha caalmka lug weyn ku yeelan doonto qaabka la damacsan yahay iney u dhacdo doorashada la filayo in wadanka Somalia ka dhacdo 2016.

NB: Xildhibaano iyo siyaasiyiin magaalada Muqdishu ka furtey xisbiyo siyaasadeed ayaa waxay dhinacooda u ololeynayaan in nidaamka xisbiyada badan lagu soo dabaalo Somalia kadib-na maamul goboleedyada jira hada iyo kuwa dhisma doona ka hirgaliyaan degaanada ay ka arimiyaan doorashooyin xor ah marka la gaaro sanadka 2016.

Halkaan ka kahri fariimihi bartiisa Twiter wakiilka qaramada midoobey galiyey markii uu bilowdey kulanka wadatashiga iyo dhamdaakiisa maalintii shaley 19 October,2015.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM