XOG; Saameynta Daladuhu Ku Leeyihiin Waxbarshada Puntland oo Korortey [Sabab]

Image

Mudadii shanta sano aheyd ee Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas xilka hayey waxaa hoos u dhac weyn ku yimid tayada waxbarashada Iskuulada Puntland gaar ahaan kuwa dowladu maamusho oo loo yaqaan "Public Schools"


GAROWE- Kadib Markii la soo dhajiyey natiijooyinkii Imtixaanada dugsiyada sare ee Puntland ayaa waxaa soo baxay calaamado muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay hoos u dhaca Waxbarsho ee ku yimid ardeyda dhigata Iskuulada dowladu mamausho "Public School" kuwasoo sida ku cad liiska ardeyda keentey Garde A aysan ka muuqan tiro indhaha shacabka soo jiidan karta.

Liiska ardeyda u sareysa natiijada Imtixaanaadka dugsiyada sare "Garde A" ayaa marka la eego waxaa kor-kac weyn ka muuqdaa Iskuulada hoos yimaada daladaha Waxbarsho ee ka jira dalka.

Wasaarada Waxbarshada Puntland oo lagu tilmaamey sanadihii u dhexeeyay 2010-2014 midka ugu wanaagsan dalka Soomaaliya guud ahaan ayaa tan iyo intii Madaxweyne Gaas xafiiska la wareegey waxaa ragaadiyey musuqmaasuq iyo siyaasado iska soo horjeeda kuwasoo saameyn ku yeeshey tayada waxbarasho ee ardeyda gaar ahaan kuwa dhigta Iskuulada dowladu maamusho.

Cabdiweli Madaxamed Cali Gaas ayaa markii loo doortey Madaxweynaha Puntland waxaa uu xilka Wasiirka Waxbarashada u magacaabey Cali Xaaji Warsame iyo ku xigeenkiisa Dr. Maxamad Cali Farax oo ahaa xiligaas gudoomiye daladaha waxbarashada.

Magacaabista mas'uuliyiintaan kadib ayaa waxaa xoogeystey ololaha iyo ismuujinta daladaha Waxbarshada halka hoos u dhac ku yimid tayada iskuuladii dowladu mamauleysay. labadaan mas'uul ayaa sidoo kale si deg deg ah u magacaabey guddiyo waxbarsho oo ay ku xoog badan yihiin daladaha kuwasoo kasoo baaran dagayey sidii dib looga noqon lahaa nidaamkii waxbarsho ee dowladii ka horeysay tan Madaxweyne Gaas. 

Dugisga Cumar Samatar oo ku yaal magaalada Galakacayo ayaa tirada ardeyda dugsiyada sare ee dhigata waxay gaaraan 3000 ardey, Gambool oo ku yaal magaallo madaxda Puntland ee Garowe ayaa waxaa dhigta tiro ardey dugsi sare inta u dhexeysa 1500-2000 halka Shiikh Cismaan "Qardho" iyo Boosaso Public ay subax walba u dareeraan ardey lagu qiyaasey 3000. Dhamaan ardeyda kasoo baxdey Iskuuladaan ayaa si wanagsan ugu soo muuqan liiska natiijada Grade A marka loo eego sanadihii ka horeeyey.

Sida GO fahan-san yahay wasiirka Wasaarada Waxbarshada Puntland ee waqtigaan xilka haya ayaan kamid aheyn daladahaan balse sida dad xogogaal u sheegeen warsidahaan waxaa awood iyo saameyn ku leh siyaasada Waxbarsho ee Wasaarada Wasiir ku xigeenka Dr. Maxamad Cali Farax oo ay aad isugu dhowaayeen Wasiirkii hore ee xilka laga qaadey Cali Xaaji Warsame.

Wasiirkii hore ee Waxbarshada Puntland Cabdi Faarax Siciid "Juxa" ayaa bartiisa Facebook soo dhigey wewelka uu ka qabo heerka waxbarshada maamulkaan mareyso isagoo ka digey in arimaha socda wiiqayaan nidaamka dowladnimo iyo shaqooyinkii horey loo soo qabtey.

"Waxaa soo if-baxaysa hoos u dhac ku wajahan waxbarashada Puntland iyo is-barbar yaac nidaam oo ku salaysan Dawlad iyo Dallado." Tobankii sano ee u dambasay waxbarashada Puntland waxay ahayd tusaale wacan oo lagu faano. Waqti, dadaal iyo maskax badan ayaa la geliyey. Waa in laga feejignaado waxkasta oo nidaamkaas iyo kalsoonidaas wax u dhimi kara." sidaas waxaa yiri Wasiirkii hore ee waxbarshada Puntland.

Ururada daladaha oo aad ugu xoogan Koonfurta Soomaaliya kuwasoo xafiisyo ku leh Puntland ayaa waxaa siyaasdooda salka ku haysaa in nidaamka Waxbarsho ee dowladu hageyso noqon mid hana-qaada, waxayna tageero ka helaan ururo khayriyaad ah ee dagan wadanka dibadiisa.

Deeq Waxbarsho oo laga heley Turkiga iyo sida loo maamuley

Dalada Waxbarashada Ahliga ah ee Pen ayaa waxay deeq waxbarsho oo gaareysa 400 ardey ka heshay dalka Turkiga taasoo kadib markii loo qaybiyey laamaheeda, xafiiskeeda Puntland siisey 150 ardey.

Sida wararka Garowe Online ku helayo, maamulayaasha daladaan ayaa madaxda Wasaarada Waxbarshada Puntland u soo gudbiyey dalab ah in ardeyda kaalimaha kowaad galay u soo diraan magaalada Boosaso si ay uga qayb galaan Imtixaanaadka loo qaadayo sidii deeqdaan loo qaybin lahaa. Waxaa arinkaan diidey howl-wadeenada Wasaarada Waxbarshada qaarkood kuwasoo ku tilmaamey in awoodii hay'ada dowlada u qaabilsaneynd Waxbarsada la wiiqayo taasoo meesha ka saareysa nidaamkii dowladnimo ee loo mari jirey markii la helo deeqahaan Waxbarsho.

Wadahadal kadib ayaa sida warsidaha Garowe Online ogaadey, Wasaarada Waxbarshada Puntland waxay aqbashey dalabkii dalada PEN oo ahaa in ardeyda magaalada Boosaaso Imtixaanka ku galaan iyadoo iskuulada aan daladaha kamid-ka aheyn laga siiyey deeqdaan Waxbarsho qoondo gaareysa 30 ardey oo kaliya. Imtixaankaanka loogu tartamayey 150 deeeqdaan waxbarsho ayaa maalintii shaley ka dhacey magaalada Boosaaso.

"Talaabadaan waxay saameyn ku yeelanaysaa nidaamka Waxbarashada Puntland madaama 6 sano ee lasoo dhaafey maamulkaan uu ka jirtey nidaam si wanaagsan wax loogu qaybiyo ardayda mashaariicda waxbarashada iyo deeqaha Waxbarshada." sidaas waxaa Garowe Online u sheegey sarkaal ka tirsan Wasaarada waxbarshada Puntland oo diidey magaciisa in aan xusno arimaha taagan ee xasaasiga ah awgood.

Sarkaalkaan oo hadalkiisa sii wata ayaa go'aanka Wasaarada ku gaartey iney aqabasho nidaamkii dalada Pen ayaa waxaa uu yiri " Tani waxay sidoo kale noqneysaa caqabad, laba dowladood meesha kama wada dhisnaan karaan. Waxii deeqo waxbarsho ah waxaa ka masuul ah Wasaarada waxbarashada waxii imtixaan ah waxaa ka masuul ah waasaarada sidoo kale.  Waxii mar hore laga soo gudbay in dib loogu noqdo waa but bur bur iyo kala dambeyn laa'aan hor leh."

"Waxaa kalo jira inay arintan lug ku leeyihiin masuuliyiinta Wasaarada. Waxa kalo meesha ka maqan dowrkii deeqaha Waxbrashada dowlada Federalka oo maamul, waxa kaloo isweydiin leh sababta Turkiga ugu aaminay deeqda waxbarsho oo intaas leeg dalladan." ayuu hadalkiisa sii raacsadey sarkalkaan ka shaqeeya Wasaarada.

Madaxweyne Gaas oo muddo xileedkiisu ka dhiman tahay muddo 5 bilood oo kaliyah ayaa mudadii xilka hayey waxaa lagu timaamey mamaulkiisa midkii ugu musuqmaasuqa badnaa tan iyo intii dhidibada loo taagey Puntland.

Hoos ka akri liiska ardeyda dugsiyada sare ee Puntland oo galay Grade A

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM