XOG: Wararka la xiriira khilaaf soo kala dhexgaley Madaxweyne Gaas iyo Khayre

Image

GAROWE- Kadib markii Ra’isal wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre cududaar ka bixiyey maalintii shaley ka qayb galka munaasabad dhagax dhig ah ee loo  sameynayey Dekad laga dhisayo Garacad ”Gobolka Mudug” ayaa waxaa soo baxay khilaaf ka bilowdey kaasoo saameyn ku yeeshey kulamo la filayey iney dhexmaraan Puntland iyo Federaalka. 

Xogo warsidaha Garowe Online ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada Soomaaliya soo kala dhexgaley xiisada siyaasadeed ee ka bilaabatey dhagax dhig loo sameeyey maalintii shaley dakad la sheegey in laga dhisayo Garacad. Madaxweyne Farmaajo oo khadka taleefanka kala hadlay Madaxweyne Gaas ayaa sida aan wararka ku heleyno ka codsadey in xiisada uu qaboojiyo.  

Warar warsidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa xusaya dhinaca kale in qayb ka tirsan golaha xukuumada Soomaaliya ka soo dageen maanta garoonka diyaardaha magalada Garowe kuwasoo qorsheynaya iney ka qayb galaan kulan horey la filayo inuu dhexmaro  golayaasha xukuumada Puntalnd iyo Federaalka.

Warsidaha GO ayaa fahansan in qaar ka tirsan golaha xukuumada Puntland kulan ay la qaateen Madaxweyne Gaas habeenkii xalay aad uga biyo diidan  qabsoomida kulankaan.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa saaka ka baaqsadey xaflad qalan jabin ah ee ka dhaceysay jaamacada PSU Halkaas oo uu goob joog ka ahaa RW Khayre. 

Waxaa jira sidoo kale warar tibaaxaya iney jiraan dadaalo lagu baajinayo xafladii 1 August ee la qaban lahaa habeenka caawa taasoo xubno ka tirsan maamulka Puntland diidan yihiin iney kala qayb galaan wafdiga RW Khayre hogaaminayo munaasabadaan.

Maaxweyne Gaas ayaa horey u baajiyey xaflad uu u qabsan lahaa 8 January kadib markii ciidamada Somaliland qabsadeen tuulada Tukaraq xiligaas oo uu Puntland ku sugnaa Madaxweyne Farmaajo.

Garowe Online kala soco wararka ka soo kordha arimahaan taagan. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM