XOG: wareegtooyin is diidan oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland

Image

GAROWE 28 June, 2015 (GO)- Wareegto sumaddeedu tahay Lr.76 kuna taariikhaysnayd 23 Jun, 2015 kana soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa xilalkii looga xayuubiyey saddex agaasime waaxeed oo ka tirsanaa Hay'adda Waddooyinka Puntland ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan NESHA iyadoo boosaskii ay baneeyeen loo soo kala magcaabay masuuliyiin cusub.

Maalin kadib "24 June" Madaxweynuhu wuxuu soo saaray wareegto kale oo sumaddeedu tahay Ref: MW/DPS/471/2015 isagoo daadifeeyey mid ka mid ah xubnihii uu xilalka u magcaabay, wuxuuna isla wareegtadaas ku caddeeyey in Cabdinuur Maxamed Jaamac oo horay u ahaa Agaasinka Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda kana mid ahaa xubnihii xilka qaadistu saamaysay uu xafiiska sii joogi doono.

Wararku waxay intaas sii raacinayaan in qasriga madaxtooyada ay soo gaareen odayaal ka tirsan beesha agaasimaha la soo celiyey kuwaas oo Madaxweynaha cadaadis ku saaray in uu ka laabto xilka qaadista.

"Markuu arkay baahida loo qabo tayeynta shaqaalaha markuu tixgeliyey aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo isla markaana la tashaday Agaasimaha Guud ee NESHA" ayaa lagu yiri wareegtada hore, hase ahaatee laguma cadayn wareegtada danbe wax sabab ah laguma qeexin cida lagala tashaday.

Sida uu xogo hoose ku helay warsidaha Garowe Online Madaxweynaha Puntland ayaa xil ka qaadistaan sameeyey kadib markii dabada ay ka riixeen la-taliyayaal ka tirsan xafiiskiisa kuwaasoo u baneynayey xubno kale oo saaxibadooda ah. Mudooyinkii danbe ayaa waxaa soo shaac-baxayey sidii ay xilalka looga weecin lahaa shaqaalaha dowlada kuwasoo horey ula shaqayn jiray xukuumadii Madaxweyne Faroole iyadoo aan wax tixgelin ah la siin hawlkarnimada, aqoonta iyo waayo aragnimada shaqo xubnaha la isku bedelayo.

Xil ka qaaditsa ama isku-badalka shaqaalaha dowlada ayaa dadka la socda siyaasada Puntland wayadaan dambe waxa ay rumeysanyihiin in diirada lagu saaro dadka degaan ahaan kasoo jeeda gobolka Nugal.

Sida Garowe Online fahansan yahay xubno ka tirsan xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa hadda qalqaalo ugu jira sidii xilka looga qaadi lahaa Agaasimaha guud ee Hay'adda Waddooyinka isla markaana booskiisa loogu magcaabi lahaa Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada waloow aan la saadaalin karin in Madaxweynuhu ku qanci doono talo soo jeedintaas iyo in kale.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Galkacayo ayaa sheegaya in beesha Wasiirka Degaanka Puntland dhowaan xilka loo magacaabey  ay qorsheyanaan in kulan la qataan Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Wasiirka cusub ee deegaanka, Cali Cabdulahi Warsame ayaan weli aqbalin xilka isaga oo ku sugan magaalada Galkacayo halkaasoo maalmihii lasoo dhaafey uu wadatashiyo kula lahaa waxgaradka iyo odayaasha beeshiisa.

Hoos ka akhri nuqul ka mid ah wareegtooyinkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM