Xukumadda PL oo cabsi ka qabta dhismaha maamulka gobolada dhexe

Image

GAROWE, Jan 1,2014 [GO]- Kulan maanta isugu yimaadeen xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa waxaa lagaga hadlay maamulka goboleedka la filayo in lagaga dhawaaqo gobolada dhexe ee Somalia.

Xukuumada Puntland oo qoraal kasoo saartey kulanka Khamiislaha ah ayaa sheegtey ineysan aqoonsan doonin maamul goboleed aan wafaqsaneyn Dastuurka Somalia iyo heshiisyadii dhexmarey dowlada Puntland iyo dowlada Federaalka ah.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale tibaaxayey in dowlada Puntland ka digeyso in maamul u sameynta gobolada dhexe ay soo kordhiso fowdo iyo jahawareerin shacabka Somaliyeed gaar ahana kuwa ku dhaqan gobolka mudug ee Puntland.

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa waxaa ka muuqdey cabsi Xukuumada Puntland ka qabto in dad ka tirsan gobolka Mudug Puntland degaan ahaan iyo siyaasad ahaan ku biiraan maamulka lagu wado in laga dhiso gobolada dhexe.

"Dowladda Puntland waxey u sheegeysaa shacabkeeda in aan lagu khaldin magac u bixinta maamulka gobolada dhexe ee ah Mudug iyo Galgaduud islamarkaana magacaasu aheyn mid shaqeyn doona, sidoo kale dowlada Puntland waxey maamulka gobolka Mudug ee Puntland iyo shacabkiisaba fareysaa iney la socdaan dhaqdhaqaaqyada lagu marin habaabinayo shacabka ee ka socda Galgagaduud." ayaa qoraalkaan lagu sheegey kasoo baxey kulanka Xukuumada.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa kasoo baxey digniin loo dirayo shacabka ku nool Puntland gaar ahaan gobolka Mudug iyadoo lagu xusey " In dowlada Puntland u sheegeyso in muwaadin kasta oo u dhashey Puntland ee ka qayb qaata ama ka qayb gala dhaqdhaqaaqyada lagu marin habaabinayo shacabka ee ka socda Galgaduud inuu yahay khaa'inul wadan islamarkaana dowlada Puntland gacan bir ah ku qabaneyso." 

Wararka la xiriira maamul u dhisada gobolada dhexe ee Somalia ayaa sheegaya in la filayo booqasho Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia ku tago magaalada Cadaado maalmaha sooo socda halkaas oo ay ka socoto qaban qaabada shirweynaha la filayo in lagu dhiso maamul u sameynta gobolada dhexe ee Somalia.

Warkaan kasoo baxey xukuumada madaxweyne Gaas ayaa ku aadan dhaqdhaqaaqyo ka socda Koonfurta gobolka Mudug oo laga xakumo maamulka Galmudug iyo Woqooyiga gobolka Mudug ee Puntland kuwaasoo lagaga qayb galayo shirweynaha maamul u sameynta goboladaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM