Xukuumada Deni oo xalineysa tabashooyinka amniga ee Mudug

Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Gaalkacayo kulan kula qaatay Nabadoonada iyo xubno ka mid ah ganacsatada gobolka Mudug.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuquraadiyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa ka war bixiyey kulanka.

"Maanta waxaa uu Madaxweynaha Dowladda Puntland ku qaabiley Madaxtooyada Gaalkacayo nabadoonada gobolka Mudug, khaasatan inta joogtay magaalada Gaalkacayo iyo xubno kamid ah ganacsatada halkaas oo looga wada hadlay guud aahaan xaaladda dalka, gaar ahaan gobolka Mudug haday ahaan lahayd nabadaynta iyo dib u hishiisiinta gobolka, haday ahaan lahayd adkaynta iyo kawada shaqaynta Amniga, haday ahaan lahayd wanaajinta Dowladnimo wanaagga"

"Nabdoonada aad iyo aad ban ugu mahadcelinayna in ay Madaxweynaha la wadaageen xaaladda gobolka iyo baahiyaha ka jira oo dhan iyo sida wax looga qaban karo, Madaxweynuhu waxaa uu maanta halkaas ka balanqaaday in dowladdu qaadan doonto doorkeeda iyo mas'uuliydeeda saaran sidii wax looga qaban lahaa tabashooyinka dadku qabaan dhanka Amniga, ka shaqaynta dowladnimada iyo arrimaha bulshada, aad iyo aad ayuu shirkaas ugu soo dhammaaday is afgarad iyo wadashaqayn" Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyadda.

Puntland State House

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM