Soomaaliya: Yaa ka dambeeya Khilaafka Aqallada Baarlamaanka ?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa dhawaan soo ifbaxay khilaaf xooggan oo soo kala dhex-galay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo lagu eedeeyay Hay'ad kamid ah QM.

Khilaafkan ayaa soo ifbaxay markii uu Gudoomiyaha Aqalka hoose Jawaari uu shaaciyay inuu magaalada Baydhabo uu shir ugu qabanayo Gudoomiyaasha Baarlamaanada maamul goboleedyada Soomaaliya.

Jawaari ayaa shirka sababta uu u qabanayo lagu sheegay inuu ku dhisayo madal ay ku midaysan yihiin Hay''adaha sharci dejinta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, oo isaga madax u yahay.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa kasoo horjeestay qorshana uu wato Jawaari, oo uu ku tilmaamay mid halis ku ah nimaadka Federaalka dalka sidoo kalena uu abuurayo khilaaf horleh.

Cabdi Xaashi ayaa warqad uu u qoray Jawaari uga dalbaday inuu faraha kala baxo arrimaha maamul goboleedyada, islamarkaana uga dambeeyo Aqalka Sare, oo wakiil uga ah dowladda dhexe. Halkan ka akhri.

Jawaari dheg-jalaq uma siin baaqa Cabdi Xaashi, wuxuuna sii watay qorshihiisa qabashada Shirka Baydhabo iyadoo Gudoomiyaasha Baarlamaanada maamullada ee lagu casuumay kulanka ay Muqdisho hadda ay ku sugan yihiin.

Hay'adda Horumarinta Mashaariicda QM ee [UNDP] oo taageerta Baarlamaanada maamul goboleedyada iyo kan Federaalka ayaa lagu eedeeyay inay maalgelinayso Shirka khilaafka uu ka taagan yahay ee lagu qabanyo magaalada Baydhabo.

Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna Senator hadda katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdiraxmaan Faroole ayaa si kulul uga hadlay faragelinta Jawaari ee arrimaha Maamullada iyo kaalinta UNDP ee khilaafka Soomaaliya.

"Waxaa lala dirirayaa nimaadka Federaalka, waxaana kow ka ah ka ah hogaanka Gollaha Shacabka, kan labaadna waa Wasiirka Dastuurka oo aan ku habooneyn shaqada," ayuu yiri Senator Faroole.

Faroole, oo maanta ka hadlayay Shir Jaraa'id oo uu ku qabtay Garoowe ayaa ugu ku baaqay Jawaari inuu joojiyo faragelinta iyo shirarka uu u qabanayo Baarlamaanada maamul goboleedyada.

Dhanka kale, Faroole ayaa ka hadlay doorka Xafiiska Qaramada Midoobey ee Sooomaaliya [UNSOM] arrimaha ka taagan dalka, isagoo ku eedeeyay inuu qeyb weyn ka ahaa Musuq-maasuqii doorashadii lagu soo dhisay Baaralaanka hadda shaqeynaya.

Senetor-ka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in UNSOM ay mas'uul ka ahayd musuq-maasuqii ugu weynaa ee ka dhacay doorashadii baarlamaanka, kadib markii uu horseeday in Xildhibaanada qaab beeleed lagu soo doorto.

In Soomaaliya ay ka dhacdo ayuu yiri doorasho qabali ah, iyadoo la qaban karo mid deegaan waxaa mas'uul ka ah Xafiiska QM, oo ka ogolaaday dowladda hore in Xildhibaanada ay soo doortaan 51 qof, taasina ay ka dhalatay musuq-maasuqii ugu ballaarnaa oo waligeed ka dhaca dalka.

Mudanaha katirsan Aqalka Sare ayaa xusay in bishii April ee 2016-kii ay Puntland diiday in doorashada lagu saleeyo qaabka qabiilka, balse ay ku qasbeen Mas'uuliyiin ka socotay UNSOM oo Garoowe yimid xilligaasi.

Faroole ayaa ugu baaqay UNDP-da inay joojiso dhaqaalaha ay ku bixinayso in dastuurka laga leexiyo wadadii saxda ah, ee ay wadaan Wasiir Xoosh iyo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Ugu dambeyntii, Mudane Faroole ka codsaday Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Micheal Keatin inuu arinta soo farageliyo, oo hakiyo lacagta lagu bixinayo marin-habaabinta Dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM