Rayidka Lamu oo cadaadinaya Kenya xili xiisada badda ay sii karkareyso

Image

NAIROBI, Kenya – Dadweynaha reer Kenya qaasatan kuwa ku nool gobolka Lamu ayaa cadaadis saaraya dowladood xili ay wajahaya cabsi xoogan maadaama xiisada badda ee Soomaliya ay sii kululaaneyso.

Is-qabqabsiga oo salka ku haya xuduud badeed ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo 2014-kii balse waxay Maxkamada Cadaalada Dunida dhageysan doontaa bisha September ee sanadkan 2019.

Abdulhakim Aboud Bwana, gudoomiyaha is-maamulkaasi, ayaa wuxuu sheegayaa in khilaafkan haatan taagan uu saameyn gaar ah ku yeelanayo degaankooda.

Lamu waa gobolka ugu badan ee Kenya laga soo saaro kalluunka, waxaana uu ku dhow yahay xuduudka Soomaaliya oo ah wadanka leh xeebta ugu dheer qaarada Afrika.

Mr Bwana ayaa wuxuu tilmaamay in hadii dowladda Kenya ay kiiskan dharbaaxo kala kulanto ay iyaguna weyn doonan marin-biyood ay kasoo jilaabtan.

"Kalluunka waa waxa uu ku tiirsan yahay gobolkeena. Ma aqbaleyno in aanan luminno in wadan kale uu qaato xudunka dhaqaalaheena," ayuu raaciyey.

Amni darro ayaa sidoo kale soo food-saartey gobolkaan tan iyo markii xiisada ay sii kululaatay waxaana weeraro dhimasho keenay ka fuliyey dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Sidda ku xusan warbixin iyo xog uruurin la sameeyay, sanadkii waxaa dadka gobolkaasi ay jilaabtan 44-kun tan oo kaluun ah, taasoo maalintii ka dhigeysa 2,700-kun.

Walaaca ugu badan ee dadka Kenya ayaa ah in hadii kiiskan looga guuleysto ay noqon doonan qaran aan bad lahayn, waxayna dowladood ku hungoday dagaal ay ku dooneyso in ay Soomaaliya wada hadalo ku ogolaato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al Nahyan oo isbitaal ku booqdey askari looga dhaawacay Soomaaliya

Kabtan Mohammed Salem Al Nuaimi ayaa kamid ahaa dhaawacyaddii weerarkii Al-Shabaab ee Xero Gordan.

  • Wararka

    24-04-2024

  • 06:01AM

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM