​Roobab waxyeello ka gaystay gobolka Kar-kaar [Dhagayso]

Image

QARDHO, Puntland- Roobab laxaad leh, ayaa xalay ka da'ay qaybo kamid ah gobollada Bari iyo Kar-kaar ee Puntland, kuwaasoo qaybtood waxyeello u gaysteen dad iyo duun ku noolaa tuulooyin hoos yimaada labadaasi gobol.

Xarunta gobolka Bari ee Bosaso, ayaa roobkii xalay ka da'ay waxuu saamayn ku yeeshay isu socodka gaadiidka, ganacsiga iyo goobaha waxbarashada, inkastoo uusan gaysan wax dhibaato ah, hadana waxaa aad ugu diirsaday bulshada gobolkaasi.

Wararka aan ka helayno degmada Bandar Bayla ee gobolka Kar-kaar, ayaa sheegaya in xalay ka bilowday roobab dabaylo wata kuwaasoo saamayn u gaystay dadkii halkaasi ku noolaa.

Guddoomiy ku-xigeenka degmadaas, Bilo Nuur, ayaa Radio Garowe u sheegay in labo qof geeriyoodeen kadib markii ay daadad la tageen, halka ay jiraan shakhsiyaad kale oo ilaa hadda nolol iyo geeri aan lahayn.

Bile, ayaa sidoo kale sheegay in baddu soo kacday islamarkaana soo gaartay barriga iyagoo qaatay dhammaan wixii agab ay lahaayeen kalluumaysatadii halkaasi ku noolayd.

Wuxuu intaas ku daray inay jiraan xoolo badan oo ku le'day qabow roobabkaasi wateen, kuwaasoo horay dhibaato uga soo gaartay abaartii ka jirtay gobolka.

Dhinaca kale, wasaaradda arrimaha Gudaha Puntland, ayaa xaqiijisay geerida dadka roobabkaasi ku waxyeelloobay. Agaasimaha u qaabilsa masiibooyinka, ayaa warbaahinta Radio Garowe u sheegay inay roobabku ka curteen gobollada Gardafuu, Bari iyo Nugaal, isagoo sheegay inay waxyeello ka gaysteen gobolka Kar-kaar, wuxuuna xusay inay wataan qabow tiro badan. Halkan ka dhagayso

Saadaal ay sameeyeen kooxaha cimilada, ayaa sheegay in roobab kusoo wajahanyihiin gobollada dhaca xeebaha Puntland, waxaana hadda jawi roobaad raga dareemayaa gobolka Nugal iyo deegaanada kale ee ku xeeran.

Roobabkan, ayaa kusoo beegmay xilli abaar ba'an ay kajirtay gobollada Puntland, taasoo ay u geeriyoodeen dad isugu jira waayeel iyo carruur, waxaana ku baaba'ay xoolo tiro badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM

Ciidamada Soomaaliya oo sheegtay dilka 80 Al-Shabaab ah

Howlgallada ayaa lagu waramay in ciidamada Soomaaliya ay sameeyeen 24-kii saac ee la soo dhaafay.

  • Wararka

    27-12-2023

  • 03:35AM