Sababta uu taliyaha ciidanka difaaca Kenya u tegay Jubbaland

Image

NAIROBI, Kenya – Taliyaha Ciidanka Difaaca dalka Kenya ayaa socdaal aanan horey loosii qorsheyn loona shaacin waxa uu ku yimid gudaha Soomaaliya, gaar ahaan degaanadda Jubbaland.

Sidda ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay taliska xoogaga wadankaasi, Jeneraal Walter Raria ayaa kormeeray saraakiisha kaga sugan dalka leh xeebta ugu dheer Afrika.

Ciidanka Kenya ee waddanka jooga oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa badankooda ka howlgala degaanada Jubbooyinka.

Bayaanka oo aanan lagu caddeynta goorta uu safarkan ku yimid taliyaha ayaa lagu ujeedka safarkiisa "dhiirogelinta iyo waayo-aragnimo la wadaagid".

"Wuxuu waqti ula soo qaato si uu ugu dhiirogeliyo shaqadooda iyo inuu la wadaago khibradiisa halkaasi," ayaa lagu yiri qoraalka oo uu arkay warsidaha Garowe Online.

Booqashadan ayaa waxay imaaneysaa todobaad kadib weerarkii dhimashada badan dhaliyey ee huteelka Kismaayo, halkaasi oo ku dhowaad 30 ruux lagu dilay.

Dhacdadaasi ayaa waxay noqoneysaa midii ugu dhimashada badneyd oo ay Al-Shabaab ka geysato magaaladaasi dekadda leh tan iyo markii laga xoreeyay 2012-kii.

Si lamid ah kormeerkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo ay xiisad dhanka badda ah u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo hortaala Maxkamad.

Xeer-beegtadda Cadaaladda Caalamiga ah – ICG – ayaa waxaa lagu wadaa in ay bisha September ee sanadkan 2019 ay dib u bilowdo dhageysiga gal-dacwadeedkaas.

Ciidamada Kenya ayaa ciida Soomaaliyeed cagta soo geliyay sanadkii 2011-dii si ay uga sugaan amniga wadankooda, iyaga oo aanan qeyb ka ahayn howlgalka AMISOM oo ay gedaal uga biireen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al Nahyan oo isbitaal ku booqdey askari looga dhaawacay Soomaaliya

Kabtan Mohammed Salem Al Nuaimi ayaa kamid ahaa dhaawacyaddii weerarkii Al-Shabaab ee Xero Gordan.

  • Wararka

    24-04-2024

  • 06:01AM

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM