Shaqsi damacsanaa in uu naqshad cajiib ah ugu duulo US oo la qabtay

Image
Image

NEW DEHLI, India – Laamaha ammaanka garoonka diyaaradaha caasimadda Hindiya ee New Delhi ayaa gacanta ku dhigtay shaqsi qaab cajiib ah damacsanaa in uu ugu socdaalo Mareykanka.

Sidda uu baahiyey muuqaal-baahiyaha afka dheer ee CNN, ruuxan ayaa iska dhigay qof weyn, uuna sameystay dhamaan waxyaabaha u suurogelin kara in uu u ekaado sida qof waayeel ah.

Astaamaha layaabka leh ee lagu arkay waxaa kamid ah; xerashada dhar cad-cad iyo ookiyaalo weyn; inuu sameystay Gar; inuu iska dhigay qof aanan socon karin oo lagu waday gaariga dadka naafada ah.

Hase ahaatee, ciidamada amniga ayaa ka shakiyey isla markii uu soo galay madaarka, waxayna su'aallo waydiin kadib u soo jeediyeen in uu kasoo kaco gaariga si hubin loogu sameeyo.

Qofkii la socdey ayaa sheegay in uusan istaagi karin. Balse, waxa ilaalada waxay ku celiyeen in uu ku istaagi karo isaga oo la garab-qabanayo, taasi oo markii ay dhacdey shakiga uu sii kordhay.

Aakhiritaankii waxaa cadaatay in uu dhalinyaro yahay. Dukmiintiyadda uu watay, ayaa muujiyey magaciisa yahay Amrick Singh, oo Delhi ku dhashay February 1938, taasoo ka dhigeysa 81-jir.

Balse, kadib baaritaano dheeraad ah, waxaa la ogaadey in magaciisa saxda ah uu yahay Jayesh Patel, kaasi oo 32-sano jir ah, isla markaana degaankiisu yahay is-maamul goboleedka Gujarat.

Sikastaba ha ahaatee, madaarka diyaaradaha magaala madaxda India ee Indira Gandhi ayaa kamid ah kuwa ugu mashquulka badan caalamka. Sanadkii 2018-kii, waxaa ka dhooftay 70 milyan oo rakaab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM