2019: Weeraradii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbixintaan uu Garowe Online idin soo gudbinayo waxay dulmar guud ku sameyn doontaa weeraradii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya, 2019.

Weerarada ayaa isugu jira dilal, qaraxyo iyo kuwa toos ah oo ay Al-Shabaab ay ku qaadey saldhigyo iyo huteelo ku yaala gobolada hoos-yimaadda dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Hoos ka daalaco warbixin

December

Qaraxyadda

28-kii December, 2019, gaari Dhayno ah oo laga soo raray walxo qarxa ayaa isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee Muqdisho ku dilay ku dhowaad 90 ruux, waxaana ku dhaawacmay 130 kale. Al-Shabaab ayaana sheegatay.

22-kii December, 2019, qarax Miino oo ka dhacay agagaarka xafiiska Madaxa xukuumadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sababay dhaawaca saddex qof, sidda ay sheegeen laamaha ammaanka magaaladda.

21-kii December, 2019, qarax is-miidaamin oo ka dhacay koonfurta Gaalkacyo, kaasoo ay ka badbaadeen saraakiil uu ku jiro Taliyaha Lugta ee Ciidamadda Soomaaliya ayaa sababay dhimashada shan ruux iyo dhaawaca 50 kale.

10-kii December 2019, maleyshiyo ka tirsan Al-Shabaab, oo ku labisan dareeska ciidamada booliska, ayaa weerar dhulka ah ku ekeeyay huteelka SYL oo ku dhow Madaxtooyadda, halkaasoo ay ka dhalatay dhimashada 10 iyo dhaawaca ku dhowaad 20 kale oo shacab u badan.

4-tii December, 2019, qarax Miino oo ka dhacay degaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay Maxamed Abuukar Aweys [Yarow], gudoomiyihii tuuladaas. Al-Shabaab ayaana sheegatay.

Dilalka

23-kii, December, 2019, Cabdullaahi Faarax Maxamed [Xiirey], oo ahaa mulkiile shirkad ka shaqeysa arrimaha sahayda, ayaa lagu dilay xaafada AlBarako, degmada Hodan ee Muqdisho. Qoyska marxuumka ayaa dilkiisa ku eedeeyay Xasan Jaamici, taliyaha guutada 12-ka April ee ciidamadda Soomaaliya.

24-kii December, 2019, Cismaan Axmed Askar, oo ka tirsanaa shaqaalaha dekadda Boosaaso, ayay dabley ku toogatay xaafadda New Boosaaso.

25-kii December, 2019, askar ayaa lagu khaarijiyey xaafadda Suuq Bacaad, degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir. Wararku waxay sheegayaan in dableydu horey u sii qaadatey qorigiisa.

25-kii December, 2019, askari ayaa isgoyska degmada Howlwadaag ku dilay darawal Mooto Bajaaj. Marxuum Yuusuf Axmed Cosoble, wuxuu kamid ahaa dhalinyaradii dhowaan kasoo laabatay Koonfur Afrika.

Weerarada

24-kii December, 2019, maleyshiyo ka tirsan Al-Shabaab, ayaa weeraray saldhig ciidanka Kenya ku leeyihiin Kulbiyow, ee gobolka Jubadda Hoose. Gulufka oo loo adeegsaday madaafiic lama ogga khasaaraha ka dhashay.

23-kii December, 2019, dagaal ka dhashay weerar ay ciidamadda Soomaaliy qaadeen tuulada Goofgaduud ee gobolka Bay, halkaasoo maleyshiyadda saacado ay qabsatay, ayaa la sheegay in ay ku dhinteen wadar ahaan 30.

12-kii December 2019, dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab oo weeraray xerada Hiilwayne ee ciidamadda Soomaaliya ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dhaliyey geerida 5 iyo dhaawaca in ka badan.

9-kii, December, 2019, dagaal ka dhashay weerar ay Al-Shabaab ku qaadey degaanada Butaale iyo Habiino ee gobolka Hiiraan ayaa sababay dagaal fool ka fool ah oo ay la gashay ciidamadda Soomaaliya. Khasaaro dhimasho iyo dhaawac wuu jiraa, laakiin ma cadda.

 

November

Dilalka

30-kii November, 2019, Jeneraal Yuusuf Cali Qaasey, oo kamid ahaa ciidamadda Soomaaliya ayaa lagu dhex-toogtay hoygiisa oo ku yaala xaafada Warsadda Caanaha, degmadda Hodan ee Muqdisho. Sarkaal la sheegay in uu ka dambeeyay khaarijinta, kaasoo ay ku muransanaa dhul ayaa xabsi la dhigay.

20-kii November, 2019, Almaas Elman, oo la dhalatay Ilwaad oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha nabadda, ayay xabad ku dishay wadada u dhaxeysa xerada Xalane iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Qoyskeeda wuxuu dalbaday baaritaano wadajir ah oo ay sameeyaan Soomaaliya iyo Canada.

18-kii November, 2019, dabley ayaa waqoyga Gaalkacyo ku dishay Col Xaashi Aadan Cilmi, taliyihii sirdoonka dowladda Puntland ee gobolka Mudug. Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay falkaas.

12-kii November, 2019, dabley looga shakisan yahay in ay Al-Shabaab kamid yihiin ayaa magaaladda Jowhar, xarunta HirShabelle, ku dilay gudoomiyihii iyo ku xigeenkiisii gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxyadda

23-kii November, 2019, qarax ka dhashay gaari lagu soo rakibay Miino oo ka dhacay isgoyska Soobe ee Muqdisho ayaa dhaawacay laba ruux. Laamaha ammaanka waxay xireen hal qof oo laga shakisan yahay.

6-dii November, 2019, Cumar Maxamuud Cilmi [Carabey], gudoomiye ku xigeenkii gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu dilay qarax ka dhashay bam-gacmeed lagu tuuray hoy uu kaga sugnaa degmadda Afgooye.

October

Weerar

28-kii October, 2019, Jabhad ayaa weerartay saldhiga booliska Somaliland ee magaaladda Boorama. Mas'uuliyiinta waxay sheegeen in iska-hor-imaadka uu socday 30-daqiiqo. Hase ahaatee, lama soo warin khasaaro.

24-kii October, 2019, rasaas ay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ku fureen ilaalada xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Shaakir, ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay hal qof oo rayid ah.

Dilalka

20-kii October, 2019, Xaaji Saciid Ciise Adoon, ganacsade ahaanna oday dhaqameed, ayaa lagu dilay Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka Jubaland. Dableydii ka dambeysay falkaas ayaa baxsaday.

20-kii October, 2019, kooxo hubeysan ayaa Ibraahim Maxamed Ibraahim, oo ahaan nabadoon, waxay ku dishay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Al-Shabaab ayaana lagu eedeeyay khaarijintaas.

18-kii October, 2019, Maxamed Suleymaan Abuukar, taliyihii ururka Gorgor ee kumaandooska Soomaaliya, ayaa ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay afafaafka hore ee Madaxtooyadda Qaranka ee Muqdisho. Askar ayaa loo xiray kiiskan.

18-kii October, 2019, madaxii kastamadda Wasaaradda Maaliyadda Puntland qeybteeda Gaalkacyo, Xasan Cabdulle Hiraab, ayay dabley ku dhex-dishay huteel ku yaala Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug. Al-Shabaab ayaa sheegatay.

13-kii October, 2019, Maxamed Cabdi Sugaal,gudoomiye ku xigeenkii amniga gobolka Shabeellaha Dhexe, iyo wiilkiisa ayaa lagu naf-gooyey qarax loogu aasey hoygooda magaaladda Jowhar, xarunta HirShabelle.

13-kii October, 2019, lix hoobiye oo ku dhacday xerada Xalane ee Muqdisho ayaa keentay dhaawaca 7 – saddex askari, 3 shaqaale iyo hal qof oo janabi ah, sidda uu xaqiijiyey taliska AMISOM oo suga amniga xaruntaas.

12-kii October, 2019, laba qarax oo ciidamada Mareykanka u tababaray Soomaaliya lagula kala eegtay duleedka Muqdisho iyo degmada Wanlweyn, ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu khaarijiyey todoba.

8-dii Octber, 2019, afar askari ayaa lagu dilay qarax Miino oo lala beegsaday kolanyo la socdeen oo mareysay duleedka Muqdisho. Ciidamadda ayaa kamid ahaa kuwa uu tababaray dowladda Soomaaliya.

2-dii October, 2019, Maxamed Cali Cusmaan [Yariisow], saddex xidigle ka tirsan ciidamadda Soomaaliya, kaasoo hogaaminayey ciidamadda Soomaaliya ee Al-Shabaab ka saarey Marka, ayaa kamid aha saraakiil lagu dilay qarax kolanyo uu la socday lagula eegtay duleedka magaaladda Muqdisho.

September

30-kii September, 2019, kolanyo ay la socdeen ciidamo Talyaani ah ayaa lagu qarxiyey nawaaxiga xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga. Dhimashadda shacab wadada marayey ayaa lasoo wariyey.

30-kii September, 2019, Al-Shabaab ayaa weerartay xerada ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, Balidoogle oo ku taala gobolka Shabeellaha Hoose. Khasaaraha ka dhashay wali ma cadda.

26-kii September, 2019, saddex macalin oo u dhashay Turkiga ayaa ku dhaawacmay kadib markii uu isgoyska Soobe ee Muqdisho uu ku qarxay gaari nooca raaxadda ah oo ay saarnayaeen.

25-kii September, Xasan Cali Nuur Shuute, gudoomiyaha Maxkamada Ciidamadda Soomaaliya, ayaa ka badbaaday qarax Miino oo kolanyo uu la socday lagula eegtay duleedka Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

22-kii September, 2019, in ka badan 20 askari ayaa lagu dilay, hub badan waa laga furtay kadib markii ay Al-Shabaab weerar kedis ah ku qaadey salhig ay ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Ceel-saliini ee gobolka Shabeellaha Hoose.

19-kii September, 2019, Xasan Cali Xasan, oo ka tirsanaa golaha degaanka degmada Warsheekh, gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa ku dhaawacmay xabad uu gannay gudoomiyaha degmadaas, Xasan Xaaji Maxamed oo barayey sida loo adeegsado Bastoolad. Xasan ayaa 24-kii October, 2019, u dhintay dhaawacaas.

18-kii September, 2019, saddex qof ayaa ku dhimatay kadib qarax Miino oo isgoyska Xaaji Baasto lagula eegtay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay falkaas.

18-kii September, 2019, qarax Miino oo duleedka Muqdisho lagula eegtay Injineero u dhashay Turkiga ayaa dhaawacmay mid kamid ah ajaaniibta iyo laba askari oo ilaalo u ahayd. Al-Shabaab ayaana sheegatay.

16-ka September, 2019, qarax Miino oo ciidamo u dhashay Burundi lagula eegtay wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad, ayaa lagu dilay 12 askari, sidda ay xaqiijisay xukuumadda fadhigeedu yahay Gitega.

14-kii September, 2019, madaafiic sababay dhaawac dad shacab ah ayaa lagu qaadey Marka, gobolka Shabeellaha Hoose, xili uu magaaladda booqasho ku joogeen ra'iisul wasaare Khayre iyo madaxweyne Lafta Gareen.

14-kii September, 2019, qarax inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka dhacay ayaa lagu dilay shan qof oo ay ku jiraan laba mas'uul – wasiirkii hore ee ganacsiga HirShabelle iyo gudoomiye ku xigeenkii hore ee maaliyadda gobolkaas.

14-kii September, 2019, dabley ayaa magaaladda Kismaayo ku dhaawacday Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa qareen iyo nabadoon. Dhinaca kale, Qalyar, ayaa 3-dii October u dhintay dhaawacaas.

11-kii September, 2019, qarax Miino oo ka dhacay magaaladda Diinsoor ee gobolka Baay, ayaa sababay dhimashada shan ruux iyo dhaawaca laba kale. Bartilmaameedku wuxuu ahaa gudoomiyaha degmadaas.

11-kii September, 2019, hal qof ayaa lagu waramayaa in uu ku dhaawacmay kadib markii ay Al-Shabaab ay madaafiic ku weerartay Madaxtooyadda Soomaaliya. Tiradda hoobiyeyaasha oo ahaa saddex ayaa laba kamid ah waxay ku dhaceen gudaha aqalka looga armiyo dalka.

2-dii September 2019, qarax iyo iska hor-imaad ka dhacay isgoyska Ex-Kontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho ayaa dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Laamaha ammaanka waxay sheegeen gaariga qarxay ay ciidanka ku raadjoogeen.

August

14-kii Agust, 2019, weerar ku bilowday qarax is-miidaamin oo lagu qaadey saldhiga ciidamadda Soomaaliya ee degaanka Awdheegle, ayaa sababay dhimashada saddex iyo dhaawaca tirro kale.

4-tii August, 2019, qarax Miino lala beegsaday kolanyo uu la socday Shire Xaaji Faarax, oo xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland, ayaa dhaawacay hal askari oo ilaaladiisa kamid ahaa. Ma jirto koox sheegatay.

July

31-dii, July, 2019, Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse Shire oo kamid ahaa nabadoonada ugu caansan degaanada Jubaland, ayay dabley ku khaarijisay magaaladda Kismaayo xili uu kasoo baxay salaadda Maqrib.

24-kii July, 2019, qarax is-miidaamin oo ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska duqa Muqdisho ayaa lagu dilay sideed mas'uul oo uu ku jiro gudoomiyihii gobolka, Cabdiraxmaan Injineer Yariisow. Al-Shabaab ayaa qaadatay mas'uuliyadda. Is-miidaamiyaha ayaa ahayd haweenay shaqaalaha gobolka ku jirtay.

22-kii July, 2019, qarax gaari oo ka dhacay isgoyska KM4 ayaa dilay saddex qof oo shacab ah. Al-Shabaab waxay sheegtay in bartilmaameedka uu ahaa kontarool ay halkaas ku leeyihiin ciidamadda.

16-kii July, 2019, qarax ka dhex-dhacay xarunta shirkadda isgaarsiinta Somtel ee magaaladda Muqdisho gaar ahaan faraca xaafada Albarako ee degmada Hodan, ayaa sababay dhaawaca saddex macaamiil.

14-kii July, 2019, laba qarax oo ka dhacay Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, oo mid kamid ah uu ahaa is-miidaamin, ayaa sababay dhaawaca dad uu kamid yahay Xildhibaan iyo geerida is-miidaamiyaha.

12-kii July, 2019, weerar ku bilowday qarax gaari ayay maleyshiyo ka tirsan Al-Shabaab ku qaadey huteelka Cascasey ee Kismaayo, halkaasoo ay ku dishay ku dhowaad 20 qof oo ay ku jiraan shaqsiyaad caan ah oo Soomaali ah.

11-kii July, 2019, hal qof ayaa ku dhaawacmay gaari lagu soo rakibay qarax oo laga soo wariyey wadada Maka Al-mukarama ee magaaladda Muqdisho.

8-dii July, 2019, qarax gaari oo ka dhacay meel ku dhow isgoyska Digfeer ee Muqdisho ayaanan sababin wax khasaaro ah. Ciidamadda ammaanka waxay sheegeen in ay soo racdeysanayeen gaarigaas.

1-da July, 2019, qarax ka dhashay miino gaarigiisa loogu rakibay Cawil Nuur Rooble, taliyaha booliska koonfurta Gaalkacyo, ayaa dhaliyey dhaawac shacab. Sarkaalka ciidan waxaa la sheegay in uu ka badbaadey.

June

30-ka June, 2019, qarax gaari oo ka dhacay iridka xarunta shirkadda Dahabshiil ee Muqdisho, ayaa sababay dhaawaca rayid badan, iyo geerida hal qof. Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda falkaas.

22-da June, 2019, qarax Miino oo Al-Shabaab ay ku aastey duleedka Muqdisho ayaa dilay lix askari kuna dhaawacmeen tirro kale.

18-kii June, 2019, dabley ayaa Kismaayo ku toogatay Cabdiqaadir Ibraahim Xasan [Gaari] oo kamid ahaa nabadoonada Jubaland. Madaxweyne Axmed Madoobe si adag ayuu u cambaareeyay falkaas argagixisinimo.

15-kii June, 2019, qaraxyo ka dhashay gaari ayaa ka kala dhacay galbeedka Muqdisho iyo nawaaxiga xarunta Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya. Laamaha ammaanka waxay xaqiijiyeen khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

8-dii June 2019, Cabdiwahaab Aadan, sarkaal boolis ahaanna madaxii dambi baarista saldhiga Waaberi, ayaa dharaar cad lagu khaarijiyey Muqdisho. Ma cadda sababta iyo cidda dishay.

1-dii June, Maxamed Cabdi Khayre, oo ka tirsanaa howladeenada Qaramadda Midoobay ayay dabley ku dishay Gaalkacyo. Qoraal kasoo baxay UN-ka waxaa lagu dalbaday in lasoo qabto gacan ku dhiigleyaasha.

31-dii May, 2019, Cabdullaahi Maxamed Maaxi, oo kamid ahaa eragadda soo xushay baarlamaanka 10aad, ayaa lagu dilay degmadda Hodan ee Muqdisho. Todobaadyo kahor khaarijintiisa, waxaa la beegsaday saddex nabadoono kale.

30-kii May, 2019, Al-Shabaab ayaa weerartay saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin degmada Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose. Khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaa isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

27-dii May, 2019, qarax ka dhashay gaari walxo qarxa lagu soo rakibay ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Liido ee Muqdisho. Booliska ayaa dad u qabtay falkaas oo aan khasaarogeysan.

22-kii May, 2019, qarax gaari oo ka dhacay kontarool ku dhow Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa dilay 20 ruux oo ay ku jiraan saraakiil sarre. Al-Shabaab ayaa dusha saartay mas'uuliyadda falkaas.

19-kii May, 2019, laba qarax oo ka kala dhacay Xamar-wayne iyo Buula-xuubey, ayaanan geysan khasaaro nafeed, wallow ay mid maaliyadeed sababeen.

18-kii May, 2019, qarax Miino oo ciidamo lagula eegtay degmada Bardaale ee gobolka Baay, ayaa dilay hal qof. Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay.

16-kii May, 2019, laba askari ayaa ku dhaawacantay markii cutubyo kamid ah ciidamada Puntland oo roondo ku jira lagu beegsaday xaafada Al Raxma ee Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

14-kii May, 2019, weerar is-miidaamin oo lagu qaadey xarunta degmada Warta Nabadda ee Muqdisho, halkaasoo ay ka socotay Afurinta dad barakacyaal ah. Mas'uuliyiin maamulka degmada ah ayaa ka badbaadey.

13-ka May, 2019, Cali Hilowle, gudoomiye ku xigeenkii degmada Boondheere, ayaa lagu dilay magaala madaxda Soomaaliya.

12-kii May, 2019, Injineer Tukish ah ayaa lagu dilay qarax loogu rakibay gaarigiisa oo ka dhacay bartamaha magaaladda Muqdisho.

11-kii May, 2019, qarax Miino oo ka dhacay nawaaxiga Maxkamadda Ciidamadda ee Boosaaso, ayaa dhaawacay tobban ruux. Gudoomiyaha xeer-beegtada waa uu ka badbaaday. Dadka waxyeeladu soo saartey waxaa ku jira saraakiil.

7-dii May, 2019, Al-Shabaab oo weerartay saldhiga ciidamadda Soomaaliya ee duleedka Balcad, waxaa ka dhashay dagaal fool ka fool ah. Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaana ka dhashay.

April

27-kii April, 2019, shan qof ayaa ku dhimatay, tirro kelana way ku dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay isgoyska Towqif, degmada Yaqshid ee Muqdisho. Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda falkaas.

24-kii April, 2019, Yuusuf Maxamed Waceys [Dhedo] ayaa ka badbaaday qarax Miino oo agagaarka hotel Jubba ee Boosaaso lagula eegtay. Dhedo wuxuu xiligaas ahaa gudomiyaha gobolka Bari.

22-kii, April, 2019, Injineer u dhashay Turkiga, ayaa lagu dilay qarax loogu xiray gaari uu watay oo ku qarxay isgoyska KM4 ee Muqdisho.

19-kii April, 2019, Cabdirashiid Cusmaan Carab, gudoomiye ku xigeenkii degmadda Maxaas, ayaa lagu dilay qarax Miino oo ka dhacay maqaaxi ku taala isla gudaha magaaladaas. Al-Shabaab ayaa sheegatay.

17-kii April, 2019, qarax gaari oo ka dhacay nawaaxiga saldhiga degmada Waaberi ee Muqdisho, ayaa galaaftay afar qof. Lama hayo koox sheegatay.

17-kii April, 2019, Cabdi Dheere, ayaa ka badbaaday qarax gaarigiisa loogu rakibay oo ku qarxay banaanka hotel Mubaarak ee Muqdisho. Dheere wuxuu ahaa Taliyaha Sirdoonka maamul goboleedka Galmudug.

12, April, 2019, laba qof oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Ergada soo xushay baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho, caasimadda waddanka.

10-kii April, 2019, qarax ka dhashay bam-gacmeed ayaa shan askari oo roondo ku jirta ku dhaawacay magaaladda Boosaaso.

10-kii April, 2019, qarax gaari oo ka dhacay wadada Maka Almukarama uuna ka badbaaday, Cabdiraxmaan Cismaan Koronto, sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya, ayaa dhaawacay laba shacab ah.

5-tii April, 2019, Cabdi Waaxid, mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka badbaaday qarax loogu rakibay gaarigiisa. Gaariga oo ku qarxay isgoyska dabka ayaa dilay hal qof oo shacab ah, sidda la sheegay.

5-tii April, 2019, ugu yaraan sideed ay ku jiraan askar ayaa ku dhaawacantay kadib qarax is-miidaamin oo lagu ekeeyay Kuliyadda Ciidamadda Booliska Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda.

March

28-kii March, 2019, qarax gaari oo ka dhacay iridka maqaayada Bilsan, oo ku taala inta u dhaxeysa hotel Wehliya iyo isgoyska Dabka ee Muqdisho, ayaa lagu dilay 11 ruux oo shacab u badan xili ay ku dhaawacmeen 21 kale.

27-kii March, 2019, qarax ka dhacay maqaayada Al Nasri, ee ku taala isgoyska laba dhagax, degmada Warta Nabad ee Muqdisho, ayaa waxaa ku geeriyootay laba qof oo lagu sheegay in ay yihiin dad shacab ah.

26-kii March, 2019, hal qof ayaa ku dhintay, laba kelana way ku dhaawacmeen qarax gaari oo ka dhacay isgoyska Taleex ee Muqdisho. Gaariga qarxay waxaa saarnaa wiil iyo Aabihii, Wiilka ayaanna ku naf-waayey.

25-kii March, 2019, qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho ayaa sababay khasaaro kala duwan oo soo gaarey shacab.

23-kii March, 2019, weerar ay Al-Shabaab ku ekeysay xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin wasaarado ay kamid tahay tan Shaqadda iyo taliska Booliska kuna taala degmada Shangaani ayaa lagu dilay 15 qof oo uu ku jiro Shawaqar Ibraahim Cabadalla, wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqadda.

21-kii March, 2019, qarax gaari oo ka dhacay isgoyska KM ee Muqdisho ayaa ku dhaawacay qofkii watay baabuurka, oo aan wali la aqoonsan.

19-kii March, 2019, Daahir Xasan Xuseen, oo ka tirsanaa CID-da ayaa isgoyska Soobe ee Muqdisho kaga badbaaday qarax loogu rakibay gaarigiisa. Dad shacab ah oo ka akdhowaa ayaa ku dhaawacmay.

19-kii March, 2019, Al-Shabaab ayaa weerartay degmada Balcad. Duulaanka oo lagu beegsaday xarumo maamulku leeyahay waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyadeed.

14-kii March, 2019, sarkaal ka tirsan CID-da ayaa ka badbaaday qarax gaarigii loogu xiray oo ka dhacay wadada Maka Al Mukarama, si gaar ahaan nawaaxiga hotel Furat, dhismaha Banaadir Plazza hoostiisa.

13-kii March, 2019, qarax Miino oo ka dhacay suuq xoolaha ee degaanka Goof-gaduud ee duleedka Baydhabo, xarunta ku meel gaarka Koonfur Galbeed, ayaa lagu dilay 8 qof oo shacab ah.

13-kii March, 2019, qarax Miino ayaa ciidamadda AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi lagula eegtay degaanka Arbacow, oo ka tirsan Ceelasha Biyaha, duleedka Muqdisho. Lama soo warin wax khasaaro ah.

9-kii March, 2019, qarax ayaa ka dhex-dhacay guri ku yaala degmada Dayniile ee Muqdisho. Booliska wuxuu xiray mulkiilaha hoyga. Dadka degaanka ayaa u sheegay Garowe Online in uusan jirin khasaaro nafeed.

7-dii March, 2019, qarax gaari oo ka dhacay nawaaxiga Villa Soomaaliya ayaa dilay sideed ay ku jiraan askar. Al-Shabaab oo sheegatay waxay xustay in ay ku khaarijisay tobban isugu saraakiil iyo askar.

7-dii March, 2019, qarax Miino oo askarta AMISOM lagula eegtay degaanka Waydow ee duleedka Muqdisho ayaa looga dhaawacay laba askari, sidda ay warsidaha Garowe Online u shegeen goobjoogeyaal.

6-dii March, 2019, Baxsan Bolley, oo kamid ahayd ergadii soo xulay baarlamaanka 10aad ayay dabley ku dishay degmada Boondheere.

6-dii March, 2019, qarax Miino oo degmada Dayniile lagula eegtay ciidamadda booliska Soomaaliya, ayaa lagu dilay hal askari.

3-dii March, 2019, Cabdullaahi Gaamuri, gudoomiyaha degmada Garasbaalley ee duleedka Muqdisho, ayaa ka badbaaday qarax wadada dhinaceeda la dhigay. Afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dhacdadaas oo Al-Shabaab ay sheegatay.

February

28-kii February, 2019, weerar toos ah oo isugu jira qaraxyo iyo dabley gudaha u gashay oo haysatay muddo saacado ah laguna ekeeyay hotel Maka Al Makarama ayaa lagu dilay ku dhowaad 30 shacab u badan.

26-kii February, 2019, qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho ayaa dhaliyey khasaaro dhaawac u badan oo rayid soo gaarey.

26-kii February, 2019, qarax Miino oo ciidamo lagula eegtay degaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho ayaa lagu dilay laba askari xili ay ku dhaawacmeen tirro kale oo intaas ka badan.

24-kii February, 2019, askari ka tirsan hay'adda sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu dilay degaanka Weydow ee duleedka Muqdisho.

24-kii February, 2019, nabadoon Muxuyadiin Kilkilow ayaa lagu toogtay xaafadda Xaaji Gaabow, degmadda Dharkenlay.

23-kii February, 2019, Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo kamid ahaa baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya ayaa lagu dilay degmadda Kaaraan. Al-Shabaab ayaa sheegatay dilka.

20-kii February, 2019, Maxamed Mursal, xeer-ilaaliye ku xigeenkii Soomaaliya ayay dabley ku dishay xaafadda Siigaala ee degmadda Hodan. Shaqsiyaad loo qabtay toogashadan waa xukun-sugeyaal.

20-kii February, 2019, Al-Shabaab ayaa sheegatay in qarax Miino oo ay ciidamadda Itoobiya kula eegatay degmadda Bardaale ee gobolka Bay ay ku dishay "tobanaan askar ah".

17-kii February, 2019, ku dhowaad shan askari ayaa ku dhimatay tirro kelana way ku dhaawacmeen kadib qarax Miino oo duleedka Galbeed ee Muqdisho lagula eegtay ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM.

15-kii February, 2019, Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay madaafiic ku weerartay saldhiga ugu weyn ee ciidamadda Mareykanka ku leeyahay Soomaaliya oo ah Balidoogle. Ma cadda khasaaraha ka dhashay.

13-kii February, 2019, hal qof ayaa ku dhintay markii isgoyska Soobe ee Muqdisho uu ku qarxay gaari uu watay. Garowe Online ayaa ogaaday in gaariga uu lahaa Xamza Saciid Xamza, wasiirka gargaarka Soomaaliya. Marxuumkana uu ahaa darawalkiisa.
11-kii February, 2019, kooxo hubeysan ayaa magaaladda Boosaaso ku dilay ganacsade Salaad Cabdi Cukaashe. Gacan ku dhiigleyaasha ayaa baxsaday.
12-ka April, 2019, qarax gaari oo ka dhacay magaaladda Muqdisho ayaa geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac aan la tirokoobin.

5-tii April, 2019, saraakiil ka tirsan ciidamadda Soomaaliya oo uu ku jiro Jeneraal Cabdisalaan Aadan Kurjow, abaanduulihii qeybta 12-ka April, ayaa lagu dilay qarax Miino oo loo dhigay degaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose.

4-tii February, 2019, Al-Shabaab ayaa sheegatay dil Boosaaso loogu geystay Paul Antony Farmosa, oo ahaa maamulihii shirkadda P&O ee shirkadda DP World wakiilka uga ahaa dekadda Boosaaso. Gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay wuxuu u dhintay dhaawac kasoo gaarey rasaas lagu furay.

4-tii April, 2019, qarax gaari oo ka dhacay degmada Xamarwayne gaar ahaan agagaarka Muqdisho Mall, ayaa lagu dilay 10 ruux, waxaana ku dhaawacmay tirro intaas ka badan, sidda uu boolisku sheegay.

2-dii April, 2019, qarax is-miidaamin oo ka dhacay banaanka saldhig ay ciidamadda Itoobiya ku leeyihiin magaaladda Baardheere ee gobolka Gedo ayaa lagu dilay 10 qof. Al-Shabaab ayaa shaacisay in ay ku dishay 16 askari oo Itoobiyaan ah.

January

31-dii January, 2019, Gaashaanle Sarre, Cabduqaadir Ibraahim Cabdulle, oo ka tirsanaa Ciidamadda Soomaaliya, ayaa lagu dilay laanta Hilaac ee degmadda Xamarwayne ee gobolka Banaadir. Al-Shabaab ayaa sheegatay.

31-dii January, 2019, nabadoon Xayeesi Mursal Abiikar, ayay dabley ku dileen degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Marxuumka oo khaarijintiisu sheegatay Al-Shabaab wuxuu kamid ahaa Ergadda.

29-ka January, 2019, Maxamed Cabdullaahi Tuulax, gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir ayaa ka badbaaday qarax gaari oo kolanyo galbineysay lagula beegsaday Daljirka Daahsoon. Al-Shabaab ayaa sheegatay dhacdadaas oo ay ku dhinteen laba shacab ah.

29-kii January, 2019, dabley ayaa degmadda Afgooye ku dishay oday dhaqameed soo doortay baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya.

27-kii January, 2019, Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar ay ciidamadda Jabuuti kula beegsatay gobolka Hiiraan ay ku dishay tobanaan askar ah.

25-kii January, 2019, qarax Miino oo ciidamo ka tirsan Jubaland lagula eegtay duleedka degmada Afmadow ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay sideed askari xili ay ku dhaawacmeen tirro intaas ka badan.

23-kii January, 2019, ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhaawacantay markii qarax gaari uu ka dhacay isgoyska Taleex ee Muqdisho. Illaa iyo haatan lama oggaan waxa uu shaqsiga la qarxiyey ee gaariga saarnaa.

23-kii January, 2019, dabley looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa xaafadda Albaraka, degmadda Hodan ee Muqdisho ku dilay Cabdi Maxamed Cosoble, oo ka tirsanaa howlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

22-dii January, 2019, qarax gaari oo ka dhacay afaafka hore ee Hotel Saxafi ee isgoyska KM4 ee Muqdisho ayaa lagu dilay dad u badan shacab.

14-kii January, 2019, qarax gaari ayaa ka dhacay qeybta baabuurta la dhigto ee maqaayadda The Village ee Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. Booliska wuxuu sheegay in uusan khasaaro geysan falkaas.

13-kii January, 2019, qarax ciidamadda difaaca Puntland lagula eegtay duleedka Boosaaso, xarunta gobolka Bari, ayaa lagu dilay hal askari, waxaana ku dhaawacmay saddex kale, sidda laamaha amnigu xaqiijiyeen.

12-kii January, 2019, qarax loo adeegsaday bam gacmeed oo lagu weeraray guri uu Dayniile ka deganaa Jacfar, oo xiligaas ahaa gudoomiyaha degmadaas, ayaa lagu dhaawacay saddex qof oo lamid ah ilaaladiisu ahaayeen.

2-dii January, 2019, qarax Miino oo ka dhacay nawaaxiga saldhig boolis oo ku yaala Beledwayne, xarunta gobolka Hiiraan, ayaa dhaawacay laba qof. Ma jirto koox illaa iyo haatan sheegatay.

1-dii January, 2019, weerar madaafiic oo ay Al-Shabaab ku ekeysay xafiiska Qaramadda Midoobay ee Muqdisho waxaa ku dhaawacmay laba shaqaale iyo hal qandaraasle. Al-Shabaab ayaa sheegatay falkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM