A-Shabaab oo weerar ku qaadey saldhiga ciidamadda Soomaaliya

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan weerar ay ururka Al-Shabaab ku qaadey saldhig ay ciidamadda Soomaaliya ku leeyihiin tuulada Daynuunay ee gobolka Baay.

Illo wareedyo dhanka amniga ah ayaa xaqiijiyey in weerarka uu ka dhashay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray labada dhinac.

Warbixinada qaarkood ayaa tilmaamaya in dagaalameyaasha gacansaarka la leh Al-Qaacida ay gudaha ugu daateen xeradda.

Hase ahaatee, ciidamo gurmad ah oo goobta gaarey ayaa suurtageliyey in ay dib uga saaraan, waxaana halkaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo gaarey.

Inta la xaqiijiyey shan askari ayaa ku geeriyootay oo uu ku jiro taliye. Saddex ka mid ah ciidanka waxaa lagu waramay inay ku dhinteen miino la qaraxday xilli ay gurmad ugu sii socdeen saldhigga.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in ay khasaaro gaarsiiyeen dhanka Al-Shabaab oo dhankooda guulo ka sheegtey duulaankaas.

Saldhiga degaanka Daynuunay oo dhowr jeer ay ka dhaceen weeraro noocaan ah ayaa ah xero milatari oo 1 KM u jirta Baydhabo, oo ah xarunta gobolka Baay ahna caasimadda ku meelgaarka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM