A-Shabaab oo weerar ku qaadey saldhiga ciidamadda Soomaaliya

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan weerar ay ururka Al-Shabaab ku qaadey saldhig ay ciidamadda Soomaaliya ku leeyihiin tuulada Daynuunay ee gobolka Baay.

Illo wareedyo dhanka amniga ah ayaa xaqiijiyey in weerarka uu ka dhashay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray labada dhinac.

Warbixinada qaarkood ayaa tilmaamaya in dagaalameyaasha gacansaarka la leh Al-Qaacida ay gudaha ugu daateen xeradda.

Hase ahaatee, ciidamo gurmad ah oo goobta gaarey ayaa suurtageliyey in ay dib uga saaraan, waxaana halkaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo gaarey.

Inta la xaqiijiyey shan askari ayaa ku geeriyootay oo uu ku jiro taliye. Saddex ka mid ah ciidanka waxaa lagu waramay inay ku dhinteen miino la qaraxday xilli ay gurmad ugu sii socdeen saldhigga.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in ay khasaaro gaarsiiyeen dhanka Al-Shabaab oo dhankooda guulo ka sheegtey duulaankaas.

Saldhiga degaanka Daynuunay oo dhowr jeer ay ka dhaceen weeraro noocaan ah ayaa ah xero milatari oo 1 KM u jirta Baydhabo, oo ah xarunta gobolka Baay ahna caasimadda ku meelgaarka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM