Aadan Barre oo shaaciyey mowqifkiisa xiisada Soomaaliya iyo Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Aadan Barre Ducaale, oo ah hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku shaaciyay mowqifkiisa ku aaddan khilaafka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Ducaale oo sidoo kale ah xildhibaanka degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay shakhsiga saddexaad ee ugu awoodda badan dowladda Kenya, marka laga soo tago madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Waxa uu madax ka yahay tirada ugu badan ee xildhibaannada baarlamaanka ugu jira xisbiga talada haya ee Kenya, waxaana uu si aad ah ugu dhow yahay madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.

Dad badan ayaa isweydiinayay mowqifka uu ka taagan yahay xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Wareysi uu maanta oo Isniin ah siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayuu Aadan Ducaale ku sheegay in mowqifkiisa ku aaddan khilaafka badda uu kala mideysan yahay dowladdiisa.

"Nin Soomaali ah baan ahay laakiin waxaan ahay Soomaali reer Kenya ah, waxaan ahay waddani qeyb ka ah dowladda Kenya, mowqifkeyguna waa in dhulka ama badda ay Kenya leedahay uusan qof kale qaadan karin, ha ahaato Soomaaliya, Tanzania ama waddan kaleba", ayuu yidhi Aaadan Ducaale.

Hase yeeshee, Ducaale ayaa dhanka kale hoosta ka xarriiqay in uu jecelyahay sidii khilaafkaas loogu dhammeyn lahaa hannaan diblomaasiyadeed oo ay nabad ku dheehan tahay.

Wuxuuse si cad u sheegay in xalka uusan ahayn mid ku fiican in maxkamad loo raadiyo.

"Maadaama annaga iyo walaalaheenna Soomaaliya uu naga dhaxeeyo xiriir dheer oo ah xagga dowladda iyo xagga shacabkaba, mar walba waxaan dhihi lahaa khilaafkaas waa in lagu xalliyo si wanaagsan, oo labada dowladoodna ay arrinta hoos u dhigaan, maxkamadaha iyo buuqa kalena waa laga fiican yahay, sababtoo ah Soomaalidu waxay dhahaan labada qof ee walaalaha ah khilaafkooda inuu dariska ogaado xitaa looma baahna", ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in isagu shakhsi ahaan uu dadaal ugu bixinayo, kana shaqeynayo sidii arrintaas loo soo afjari lahaa, madaxweynaha Kenyana uu diyaar u yahay in uu is afgarad dhex maro labada dowladood.

"Wanaagga u dhaxeeya labada wadadan ayaa ka badan khilaafka, marka aan u badnaanno dhinaca wanaagga".

Hadalka Ducaale ayaa yimid xilli uu meeshii ugu adkeyd marayo khilaafka diblomaasiyadeed ee labada waddan, kaasoo salka ku haya muranka la xiriira lahaanshaha qeybo ka mid ah biyaha u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, halkaasoo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah, gaar ahaan gaaska naqaska ah.

Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ayaan inta badan ka hadlin xurgufta labada dal, inkastoo ay ku adkeystaan inay yihiin muwaadiniin u dhashay Kenya.

Isbuucii lasoo dhaafay, ku xigeenkii hore ee afhayeenka baarlamaaka Kenya, Faarax Macallin Dawaara oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Soomaalida Kenya uusan waxba ka khuseynin khilaafka labada dowladood, wuxuuna ka digay in Kenya ay waxyeello u geysato dadka Soomaalida ah ee muwaadiniinta ka ah Kenya iyadoo marmarsiiyo ka dhiganeysa xiisadda.

"Annagu haddaan nahay Soomaalida Kenya waxaan soo marnay cadaadin badan, dhac iyo dil. Mar allaale markii ay dhacdo dhibaato yar oo u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya, ama nin burcad ah hadduu waddo istaago oo uu dilo askar Kenyan ah, dhaqan aan qarannimo ku saleysneyn ayey leeyihiin dadkan aan ku dhex nool nahay, kaasoo ah in lagu soo laabto dadka Soomaalida ah, dhib ayeyna noo geystaan iyagoo aan kala saareynin kii burcadka ahaa iyo kii qarannimada Kenya jeclaaba", ayuu yidhi Dawaara.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada waddan ayaa bilihii lasoo dhaafay sii xumaanayay, waxayna mas'uuliyiinta labada waddan hawada isu mariyeen mowqifyadooda ku aaddan in mid walba uu ku adkeystay inuu leeyahay milkiyadda biyaha lagu muransan yahay.

Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda adduunka(ICJ), oo Soomaaliya ay u gudbisay dacwad arrintan ku saabsan ayaa laga dhowrayaa inay soo saarto go'aanka kama dambeysta ah.

BBC

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM