Aadan Barre oo shaaciyey xudunta Khilaafka DF iyo Maamulada

Image

NAIROBI, Kenya - Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale oo wareysi siiyey Universal TV ayaa ka hadlay markii ugu horeysay xaalada Soomaaliya gaar ahaan amniga iyo siyaasadda.

Aadan Barre waa shaqsiga saddexaad ee ugu awooda badan dalka Kenya, isaga oo dib loosoo doortey sanadkii hore, wuxuuna yahay Afhayeenka Aqalka Hoose, xili uu ka tirsan yahay Xisbiga haya talada ee Jubilee.

- Khilaafka maamuladda iyo dowladda -

Aadan Barre ayaa tibaaxey in muran-ka siyaasadeed ee dalka haatan ka jira ay tahay saameynta ka dhalatey Khilaafka Khaliijka, isaga oo labada dhinac ku eedeeyay inay masuul ka yihiin arrinkaasi.

Dowladda Farmaajo ayuu si gaar ah farta ugu fiiqay inay la safatey Qadar, taasoo Sacuudiga iyo xulafadiisa ay kusoo rogaan xayiraadyo dhulka iyo cirka ah, taasoo ka dambeysay kadib eedaymo culus.

"Horta aduunka waxaa ka socda loolan [dhulka iyo siyaasadda ah]. Soomaaliya, Jabuuti iyo Yemen waxay noqdeen meel lagu tartamo Geeska Afrika. Inaga [Kenya] khilaafka Khaliij dhinacna ma raacin, laakiin dowlada Soomaaliya Qadar ayey la safatey, maamulada Imaaraadka, Sacuudiga iyo xulufadooda, taasi ayaa marka inay iyaga ogolaadeen inay Soomaaliya noqoto meel uu qof walba Boorso lacag ah la yimaado, oo lagu tartamo," ayuu yiri Aadan Barre.

Madaxwayne Farmaajo ayuu ugu baaqey inuu ka shaqeeyo sidii uu usoo dhawaysan lahaa hogaamiyaasha maamuladda xili uu uga digey inuu la xifaaltamo, taasi ayuu tilmaamay inay dhibaatada sii kordhineyso.

Amniga ayuu sheegay inuu faraha kasii baxi karo hadii khilaafka uu sii jiro, wuxuuna dhinacyadda ku lugta leh siyaasadda wadanka ku tar-tarsiiyey inay umidoobaan adkeynta xasiloonida iyo siyaasada.

"Dowlada Soomaaliya ee haatan jirta. Waxaan dhihi karaan fekrad ahaanteyda dowladda Kenya ma ahan, waa fekerkeyga, waxay ceebeeyeen shacabka Soomaaliyeed, ma aysan qaban wixii laga filayey, marka hore waxaan is-lahaa ha saldhigato, laakiin wali fursad ayey haystaan, balse, haatan waxaan aragnaa in aysan qaban wixii laga filayey. Farmaajo waxaan kula talin lahaa noqdo Aabaha oo uu la tartamin maamulada. Dowlad goboleedyadana waa inay ixtiraamaan dowladda," ayuu raaciyey.

- Qodobo kale -

Aadan Barre oo wax laga waydiiyey wararka ku saabsan inuu mucaaradka dowladda Farmaajo ka hor-istaago inay shirar ka dhan ah xukuumada Muqdisho ku qabsadaan magaalooyinka dalka Kenya ayuu iska fogeeyay isaga sheegay in taasi ay tahay waxay la qabaan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dalalka Geeska Afrika.

"Ma jirto cid aan udiidney inay halkaan ku shiraan. Way imaan karaan, way tegi karaan maqaayadaha. Laakiin, inay hoteel tagaan oo ay qabataan shirar lagu mucaaraado dowlad Afrika ama Geeska Afrika ku taalo [ma yeelayno]," ayuu si cad daboolka uga qaadey.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo, kuwaasi oo wadanka ka geystay dhibaatooyin kala duwan, waxaana tiro dhowr jeer ah Xilldhibaanada Kenya codsadeen in ciidamdooda laga soo saaro Soomaaliya, laakiin Aadan Barre oo arrintaasi wax laga waydiiyey wuxuu sheegay inay soo saarayaan marka Soomaaliya ay nabad noqoto.

"Ciidamadeena waxay Kenya uyimaadeen sugitaanka amniga wadankeena. Waad ogtahay Al-Shabaab maalin kasta gobolka Waqooyi Bari dhibaato ayey ka geysteen, Shacab badan ayey ku laayeen halkaan, sidaas darteeda, ciidamadeena markii Soomaaliya nabad noqoto oo la sifeeyo kuwa argagxisada ah ayaan kala soo baxeenaa," ayuu xusey.

Ugu dambeyn, Nidaamka 4.5 ee Qabiilka wax ku qaybsado ee ka jira Soomaaliya, islamarkaana ay isku raacsan yihiin Beelaha kala duwan ee dalka ka jira, ayuu Aadan si adag udhaliiley, isaga oo ku sheegay inuu yahay asalka dhibaatadda haatan haysta wadanka.

"Waxaan maqley in Xilldhibaanada, Madaxwaynaha iyo Wasiiradda ay lacag ku yimaadeen. Marka aniga xitaa hadii aan ubaahdo inaan Xilldhibaano ka noqdo Soomaaliya waan heli karaa, sababta oo ah, waxaan lacag siinayaa Odayaasha xitaa Afhayeenka waan noqon karaa," ayuu ku doodey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM