Agaasimaha Guud ee Wasaarada Bartoolka oo shaqada laga joojiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasimaha Guud Wasaaradda Bartoolka xukuumadda Soomaaliya, Karaar Shukri Doomey ayaa maanta oo Talaado ah "shaqo joojin lagu sameeyay".

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiir ku xigeenka, Doomey ayaa waxaa lagu eedeeyay kala qeybinta shaqaalaha wasaaradda.

Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa sidoo kale agaasimaha guud ku dhaliilay in uu ku tagrifalay xilka uu hayo.

Mr Doomey ayaa, sida ku cad war-saxaafadeedka, waxaa sidoo kale lagu haystaa in uu si qaldan u maamuley mashaariicyo.

Hilaal ayaa agaasimaha guud si lamid ah ku eedeeyay in soo saarey war-murtiyeedyo, isaga oo aanan madaxdiisa la tashan.

Geesta kale, Doomey illaa iyo haatan kama uusan jawaabin shaqo joojinta iyo waliba eedeymaha loo jeediyay.

Ugu dambeyntii, Xuseen Cali Axmed, oo ah agaasimaha waaxda nidaaminta bartoolka wasaarada, ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabey jagada laga rukhseeyay Doomey.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM