Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga oo shaqada laga joojiyey

Soomaliya
By WARIYAHA MUQDISHO , GAROWE ONLINE
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska wasiirka ayaa si ku meel gaar ah waxaa loogu magacaabay mas'uul cusub.

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Amniga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradaasi, Yuusuf Cali Maxamed.

Sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo uu arkay Garowe Online kana soo baxay xafiiska wasiir Maxamed Abuukar Islow [Ducaale], waxaa si ku meel gaar ah jagadaasi loogu dhiibay Axmed Cabdi Kooshin.

Bayaanka oo ku taariikheysan 17-ka bisha August sanadkan 2019 ayaa waxaa nan lagu caddeynin sababta dhabta ah ee ka dambeysay shaqo joojinta Yuusuf, oo aanan wali ka hadlin talaabaddaasi.

HOOS KA AKHRI WARQADDA

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey