Agaasimihii Radio Muqdisho oo qarax lagu dilay

Image
Sidoo kale, madaxa telefishinka qaranka Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay weerarkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimahii Radio Mogadishu, Cabdicasiis Afrika, ayaa la sheegay in uu u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax caawa ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Weerarka oo ka dhacay isgoyska DalJirka Daahsoon gaar ahaan mehrad mashquul badan ayaa warar horudhac ah ay ku sheegayaan mid lagu xiray gaari uu la socdey.

Fahfaahinta waxay intaas ku daraysaa in gaariga uu sidoo kal saarnaa Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Cabdicasiis Afrika iyo Sharmaa'arke, kaasoo dhankiisa uu dhaawac soo gaarey.

Xogta waxay intaas ku dareysaa in shacab wadada mareysay ay dhaawacmeen. Ma jirto koox dusha saaratay falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa inta badan dusha saarta xoogaga Al-Shabaab.

"Gaari ay wateen agaasimiyaasha Radio Mogadishu  iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Cabdicasiis Afrika iyo Sharmaa'arke ayaa ku qarxay kaalin shidaal oo ku taalo degmada Shangaani. Waxaan rumeysanahay in qaraxa lagu xiray baabuurka. Baaritaan ayaa ku bilownay cidda ka dambeysay," ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Waa falkii saddexaad oo liddi ku ah ammaanka oo bishan gudaheeda ka dhaca magaalada Muqdisho oo isku diyaarinaysa martigelinta doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli saacado kahor xilka laga qaadey wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamuud Maxamed kaasoo tibaaxay in todobaad kahor uu xilka iska casilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dib u qabsaday tuulooyin Al-Shabaab ka baxday 

Howlgalka wuxuu ku bilaawday si habsami leh iyadoo aan dhibaato weyn jirin. Waxaan la wareegnay sagaal goobood oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    10-12-2025

  • 09:39AM

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo digniin ka bixiyey xaaladda siyaasadeed ee cakiran ka hor doorashada

Intaa waxaa dheer, Sheekh Shariif ayaa cambaareeyay wax-ka-beddelka dastuurka ku meel gaarka ah.

  • Soomaliya

    10-12-2025

  • 09:18AM