Agab ay Qadar bixisay oo "loo adeegsanayo" qalalaasaha Gedo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya oo war kasoo saarey xaalada gobolka Gedo iyo dagaalkii dhowaan ka dhacay magaalada Beledxaawo ayaa tacsi u diray ehelada dadka ku dhintay.

Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin xisbiyadda ayaa sheegtay in ay ka xun yihiin in qalabkii ay Qadar ku taageertay ciidamadda Soomaaliya "lagu daadiyo" dhiiga maatida aan waxba galabsan.

Si gaar ah, taliyaha sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, ayay ku eedeeyeen "in uu burburiyey qaab dhismeedka ciidamadda una adeegsanayo siyaasad gurracan oo ka duwan waajibaadkii loo igmaday".

War-saxaafadeedka ayay kusoo jeediyeen in la joojiyey faragelinta iyo qalalaasaha isla markaana Al-Shabaab laga xoreeyo magaalooyinka ay haatan ka maamulaan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhan

Ugu horrayn, Madasha Xisbiyada Qaran waxay tacsi u direysaa qoysaska ciidamadii labada dhinacee ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay degmada Beled-xaawo. intii ku dhaawacantay Ilaahay habogsiiyo, intii ku dhimatayna Rabbi ha u naxariisto.

Madasha Xisbiyada Qaran waxay bilihii u danbeeyay si dhow ula socotay xaaladda murugsan iyo dhiillada colaadeed ee ka sii daraysa ee ka aloosan gobolka Gedo, taaso ka dhalatay ciidammo si gaar ah ay Madaxwaynaha Dawladda Fedaralka & Xukuumadiisu ugu daabushay gobolkaas, iyadoo kaashanaysa ciidamo Itoobiyaan ah oo aan qayb ka ahayn ciidamada nabad ilaalintaMidowga Afrika (AMISOM).

Madashu waxay aad uga xuntahay in Dowladda Qadar agabkii ay ku taageertay ciidamada qalabka sida in lagu daadiyo dhiigga maatida aan waxba galabsan laguna dumiyo maamulkii ka jiray deegaanadaas.

Madashu waxay ka xuntahay in ciidamo diyaarado lagu qaado, qarash badanna lagu bixiyo, laguna dhibaateeyo dhul ammaan ah, ayadoo inta badan deegaannada u dhaxeeya Gobolka Gedo iyo Banaadir ay haystaan Argagixisada Al-shabaab.

Madashu waxay si adag uga soo horjeeddaa in Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Fahad Yaasiin uu burburiyay qaab dhismeedkii ciidamada qalabka sida ee Qaranka ee Dastuuriga ahaa, isagoo caado ka dhigtay inuu ciidamada u isticmaalo siyaasad gurracan oo ka duwan waajibaadkii loo igmaday.

Haddaba Madasha Xisbiyada Qaran waxay soo jeedinayaan arrimaha hoos ku xusan:

In Madaxwaynaha Dawladda Fedaralka & Xukuumadiisu ay joojiyaan kala qaybinta iyo hurinta colaadaha ay ka wadaan Dowlad Goboleedka Jubbaland, gaar ahaan Gobolka Gedo.

2. In Madaxwaynaha Dawladda Fedaralka & Xukuumadiisu ay dadaal ku bixiyaan inay ka xoreeyaan Argagixisada dhulka ay haystaan, kana waantoobaan in Ciidanka Qaranka loo isticmaalo dano gaar ah oo siyaasadeed.

3. In Madaxwaynaha Dawladda Fedaralka & Xukuumadiisu ay u dayso sugidda amniga Ciidamada Daraawiishta ee Jubbaland, kana kaalmeeyso sidii nabaddiidka Dalka looga xorayn lahaa.

4. Dawladdu waa in ay dhageysato cabashada shacabka deegaanka Gobolka Gedo lagana qaado xayiraadda sharci darrada ah ee duullimaadyada
5. Waxaan uga digaynaa ciidamada Itoobiyaanka ah ee deegannadaas ku sugan in loo adeegsado khilaafka siyaasadeed ee halkaas ka jira, waana inay ka fogaadaan waxyeellada shacabka, ilaaliyaanna deris wanaagga.

Ugu danbayn, Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka gobolka Gedo waa inay u istaagaan in howlgallada siyaasadaysan ee Xukuumadda Federaalku ay ka waddo Gobolka Gedo aysan isu beddelin dagaal beeleedyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM