Akhriso qodobada kasoo baxay Shirkii Brussels [War-murtiyeed]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BRUSSELS - Waxaa saacado kahor lasoo gaba-gabeeyay Shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya [Somalia Partnership Forum], kaasoo mudo labo maalmood ah ka socday magaalada Brussels ee xarunta Belgium.

Wakiiladda 58 Wadan, 6 Hay'ado oo caalami ah, madaxda dowladda Soomaaliya, iyo maamullada Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa ka qeyb-galay shirka.

Shirkan ayaa waxa uu daba socday Shirkii Iskaashiga ee 5-tii December 2017 lagu qabtey magaalada Muqdisho, waxaana lagu gorfeeyay xaaladda dalka, horumaradii la sameeyay iyo tallaabooyinka xiga.

Madaxweyne Farmaajo, Wasiirka arrimaha dibadda Sweden, Margot Wallström iyo Madaxa arrimaha dibadda Midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa soo xiray Shirka, iyagoo si wadajir ah u qabtey Shir jaraa'id oo kulanka ay uga hadleen.

Midowga Yurub iyo Sweden ayaa martigeliyay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya.

"Soomaaliya waxay qaadey tallaabooyin muhiim ah oo dhanka nabadda iyo horumarka. Shirka Madasha Iskaashiga waxay ku balan-qaadey inay ka go'an tahay inay isbedel ka sameyso amniga, siyaasadda, iyo dhaqaalaha," ayay tiri wasiirka arrimaha dibadda Norway, Margot Wallström.

Midowga Yurub ayaa ugu yaboohay dowladda Soomaaliya €200 million oo loogu tala-galay xasilinta dalka iyo lacag kale oo gaaraysa €114 million oo lagu taageerayo howlgalka AMISOM.

Mur-murtiyeed ka kooban 81 qodob ayaa laga soo saarey shirka, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan, siyaasadda, soo kabashada dhaqaalaha, kaalmada bini'aadanimo, xuquuqul Insaanka iyo iskaashiga.

 - Siyaadda - 

Beesha caalamka ayaa sheegtay inay soo dhaweynayaan balan-qaadka dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ee ah inay Soomaaliya gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-ka iyo in siyaasadda loo dhan yahay ay udub dhexaad uga dhigtay qorshaheeda Isbedelka Federaaleynta dalka iyo dib u eegista Dastuurka.

Waxaa loogu baaqay Hay'adaha fulinta iyo sharci-dejinta dowladda Federaalka in ay ka dhabeeyaan balan-qaadkooda hergerlinta xeerka dhabaha u xaaraya in la qabto doorasho taariikhi ah, oo qof iyo cod ah, taasoo xaqiijinaysa riyada iyo himilada shacabka.

War-murtiyeedka ayaa lagu soo dhaweeyay shirkii dastuurka ee ka dhacay 13-15 May lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana beesha caalamka ay ku baaqday in lixda bilood ee soo socda lagu soo afjaro hanaanka dib u eegista dastuurka.

In lasoo afjaro howsha dib u eegista dastuurka ayaa waxay muhiim u tahay in laga jawaabo su'aallo ka taagan hanaanka awood iyo khayraad qeybsiga, mideynta canshuuraha ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, iyadoo sidoo kale fududeynayso dhisamaha maxkamadda dastuuriga iyo gudiga adeegga garsoorka.

Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay colaadda Tukaraq, ee u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland, waxayna labada maamul ugu baaqeen inay xabad-joojin sameeyaan, wadahadlaan, ciidamda kala qaadaan iyo inay gargaarka bini'aadanimo fududeeyaan.

Waxaa lagu booriyay Somaliland iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay dib u billaabaan wadahadalladii u socday sida ugu dhaqsiyaha badan, si xal nabdoon loogu helo khilaafka u dhaxeeya.

 - Amniga - 

Waxaa war-mutiyeedka lagu amaanay dejinta qorshaha kala-guurka Soomaaliya, kaasi oo Ciidamada Qaranka ay mas'uuliyadda amniga dalka si tartiib-tartiib ah ugala wareegayaan AMISOM kahor 2020-a.

Waxaa lagu soo dhaweeyay qoraalka heshiiska dowladda dhexe iyo maamullada ee isku-dhafka iyo qarameynta Ciidamada, taasoo qeyb ka ah geediga in dalka amni iyo kala dambeyn lagu soo celiyo, iyadoo aan ciidan shisheeye laga maarmay.

Waxay beesha caalamka soo dhaweysay go'aankii gollaha amniga qaranka ay kasoo saareen Shirkii Baydhabo, kaasi oo ahaa in taageero dhanka mushaaraadka, tababarka iyo agabka la siiyo ciidamada Booliska iyo Daraawiishta maamullada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM