Al-Minhaaj oo Afduubtey Deeqdii ay la Baxeen Dadweynaha Puntland

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Waxaa xalay dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay deeq ku dhow 500 kun oo doollarka Maraykanka ah taasoo ay iska aruriyeen shacabka ku nool deegaanada Puntland, kadib qaraxii 14-kii October ka dhacay Is-goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Guddi ay magacowday dowladda Puntland oo isugu jira wasiirro, Culimo, Bulshada rayidka ah iyo Ganacsato, ayaa lacag cadadkeedu gaarayo $491,107 ka qaaday magaalada Boosaaso si loo gaarsiiyo dhibanayaasha Masiibadii la dhacdey Zoobe.

Lacagta cadadkaas leh ma jirin cid gooni ah oo bixisay, balse waxay ahayd Shilimaad iyo Sentiyo ay isku dareen bulshada Puntland qaybaheeda kala duwan, kadib markii ay is-xilqaameen dhalinyaro, guddiyo dowladda ka socday, warbaahinta madaxa banaan iyo dad kale oo muxsiniin ah.

Waxaa xusid mudan in lacagtaas ay qayb ka aheyd ururinteeda warbaahinta Radio Garowe/ Garowe Online, Guddiyaads-na ku wareejisay 21 kun oo doollar Halkaan ka Akhri , dhalinyarada Garoowe oo iyaguna wareejiyay 13 kun, dhalinyarada Galkacyo 21 kun, dhalinyarada Qardho, Bosaso, Baran iyo Lacago laga aruriyay masaajida ayaa isu gayn intaas noqotay.

Xaflad xalay ka dhacday Muqdisho oo ay goob joog ka ahaayeen, madaxda DFS iyo maamul goboleedyada ayaa lagu wareejiyay lacagtaas, xilli waliba boorka lagu gudoonsiinayey deeqdaas lagu muujiyay in kaalmadan ka timid dowladda Puntland oo lagu lammaaniyay magaca mu'asasada Al Minhaaj.

"Al-Manhaj oo kamid ah hay'adaha maxaliga ah ee ka dhisan Puntland iyadoo sideedaba aheyn in la xuso magaca qofkii sadaqo baxsha in la xuso balse doorbidey iney ka tageen hay'adihii iyo ururadii dhalinyarada juhdiga badan u baxshey soo ururinta lacagtaan in magacooda ku muujiyaan munaasabadii lagu wareejinayey lacagtraan," Sidaas waxaa yiri Agaasimaha Idaacada Radio Garowe Axamad Cawil oo la hadlay Garowe online 

Boorkaan ayaa waxaa ka muuqada magacyada DF Somalia, Puntland iyo astaanta hay'adda Al-Minhaj
Mu'asasada Al Minhaaj ayaa ah hay'ad ay iska leeyihiin culimada Ictisaam, waxayna inta badan ka shaqaysaa arrimaha khayriga ah gaar ahaan gurmadyada iyo ka qayb qaadashada Abaaraha balse dadka la socda shaqadeeda ayaa u arka in arimo siyaasadeed lugaha kula jirto.

Majirin Al Minhaaj lacag ay sheegatay inay ku darsatay gurmadka Qaraxaas marka laga yimaado in culimadu ahaayeen shakhsiyaadka horkacayay guddiyada dowladdu u magacowday inay hogaamiyaan gurmadyadii ka socday magaalooyinka Puntland.

Tallaabada Al- Manhaj ayaa u muuqatay mid meesha ka saartay doorkii shacabka iyo hay'adahii kale iyadoo muujinaysa in kaalmadan ay ka timid dowladda Puntland iyo Al Minhaaj kaliya.

Soo ururiyaasha lacagtaan oo lasoo xiriirey warsidaha Garowe online ayaa u sheegey madaama kuligood wada-imaan karin goobta lagu wareejinayey kaalmadaan aheyd in loo daayo in dowlada Puntland in magac ahaan ku matasho munaasabadaan balse aan lagu lamaanin magac hay'adeed oo leh dano kale.

"Waa nasiib darro in magacii Puntland lagu qariyo hay'ad gaar ah oo la geeyo fagaare, maxaa hadii ay saas dhacayso dambiga looga galay Dhalinyaradii dariiqyada taagnaa, Idaacadihii 24 saac qaylinayay iyo hooyooyinkii Shilimaadkooda, dahabkooda iyo hantidooda u huray Zoobe," sidaas waxaa lagu yiri qoraalo badan oo xafladaas kadib lasoo gaarsiiyay Warsidaha Garowe Online.
 
Dhinaca kale waxaa goobta arrintaas ka dhacayso ku sugnaa madaxda Puntland oo ugu horeeyo Madaxweyne Gaas kuwaasoo aan inaba wax dareen ah ka muujin qaabka loo wareejiyay lacagta iyo sida loo qariyay taageeradii shacabka Puntland.

Puntland ayaa ahayd maamulka kaliya ee lacag intaas le'eg ugu deeqay dadkii ku dhibaatoobay Qaraxii Muqdisho, taasoo xitaa ka badan taageerada ay sameeyeen dowladdaha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM