Abuu Cubeyda: Muuqaalka Amiirka Al-Shabaab oo la baahiyey

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Amiirka ururka Al-Shabaab, Axmed Diiriye Cumar [Abuu Cubeyda], ayaa markii ugu horeysay wuxuu kasoo muuqday muuqaal dheer oo ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka kooxdaas.

Abuu Cubeyda ayaa lagu arkayaa muuqaalka isaga oo kulan la qaadanaya dagaalameyaashii ka dambeeyay weerarkii Balidoogle ee dhacay 30-kii September ee sanadkan 2019-ka.

Balse muuqaalka si buuxda looguma arkaayo wejiga Abuu Cubeyda. Taas bedelkeeda, waxaa la arkayaa gacmahiisa iyo garbihiisa. Lama ogga sababtay ku kaliftay in ay qariso.

Duulaankii Balidoogle oo Mareykanku xaqiijiyey in uu uga dhaawacmay hal askari ayay Dowladda Soomaaliya shaacisay in ay fashilisay isla markaana laysay raggii soo qaadey.

Abuu Cubeyda ayaa horey waxaa looga bartay in uu soo duubo codad, isaga oo kaga hadlay xaaladaha kala duwan ee ka jira guud ahaan dalka iyo ururkiisa dhexdiisa.

Tani ayaa waxay kusoo aadeysa xili ay jiraan sheegashooyin ku saabsan caafimaadkiisa oo shaki badan laga muujinayo ayna tahay mid aad u liidata.

Codkii ugu dambeeyay ee uu soo duubay, Abuu Cubeyda ayaa waxa uu kaga hadlay kiiska badda ee u dhaxeeya dowladaha deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee loosoo gaabiyo ICJ ayaa lagu wadaa in ay xukun ku rido gal-dacwadeedkan, wallow ay kooxdu sheegtay in aysan aqoonsan doonin.

Gal-dacwadeedka oo taagan iyo bishii August ee sanadkii 2014-kii ayaa ku saabsan goob hodan ku ah kheyraad dabiici ah kuna taala xadka labadda dal.

Isla muuqaalka cusub, Abuu Cubeyda ayaa ku eedeynaya ciidamadda Mareykanka "dilka shacabka, maalgelinta maandooriyeyaasha iyo in ay doonayaan burbur horleh oo Soomaaliya ka dhaca".

Taageereyaashooda ayaa waxa uu ugu baaqayaa "in ay dilaan qof walba oo Ameerikaan ah, kaasoo ay ku arkaan meel walba oo aduunka ah si gaar ah Bariga qaaradda Afrika".

Mareykanka ayaa sanadkii 2014-kii wuxuu duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday waqoyga Soomaaliya, ku dilay aas-aasihii Al-Shabaab, Axmed Godane.

Xukuumadda Washington ayaa horey madaxa Abuu Cubeyda u dul-dhigtay aduun lacageed dhan lix milyan oo Doollar, taas oo la siin doono qof walba oo haya isla markaana keena macluumaad lagu khaarijin karo.

Baahinta muuqaalka cusub ayaa kusoo aadeysa xili taliyaha howlgalka Mareykanka ee Afrika uu Muqdisho yimid isla markaana la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM