Al-Shabaab oo bedeshay xeeladda ay qaraxyada uga fuliso Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Qaraxii ka dhacay nawaaxiga isgoyska Sayidka ee Muqdisho kaasoo ay sheegatay Al-Shabaab ayaa soo if-bixiyey isbedel ay kooxda ku sameysay xeelada ay weerarada uga fuliso caasimadda.

Saraakiil dhinaca amniga ah oo ka gaabsaday in magacyadooda la adeegsado ayaa telefoonka u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in falkaas uu fuliyey ruux naftii halige ahaa kaasoo isku soo xiray walxo qarxa.

Ma cadda bartilmaameedka weerarka. Balse, meesha ay wax ka dhaceen ayaa ku dhow baarkii hore ee BULSHO, kaasoo ay haatan degan yihiin dad shacab ah, sidda ay GO u sheegeen goobjoogeyaal dhowr ah.

Si lamid ah, meesha ay wax ka dhaceen ayaa ah dhabarka dambe ee xarunta dhismaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Iyaddoo ay tahay naadir tahay in qof isku soo xiray uu qarax ka fuliyo Muqdisho, xoogaga hubeysan ayaa horey looga bartey in ay weerarada noocaan ah ku geystaan gawaari, taas oo khasaaraha kordhin jirtey.

Naftii haligaha ayaa lagu waramay in uu beegsaday makhaayad ka sameysay Jiingado oo ay fadhiyeen dad shacab ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur barakacyaal ah.

Isbedelka ayaa imaanaya xili isgoysyada waaweyn iyo jidadka muhiimka ah ee caasimada ay joogaan ciidamo hubiya baabuurta, wallow xiliyadda qaar ay dhici jireen qaraxyadda iyaddoo la kordhiyey kontaroolada.

Geerida dad isku qoys ah

Saalax Cumar Xasan, afhayeenka gobolka Banaadir, ayaa sheegay in afar ruux oo shacab ah ay ku geeriyoodeen is-miidaaminta isla markaana ay ku dhaawacmeen tirro intaas ka badan.

Sidda laga soo xigtay Saalax Dheere, afarta ruux ee ku nafweysay dhacdada waxay kasoo jeedaan hal qoys, kuwaas oo dhintay markii la geeyay Isbitaalka.

"Ruux naftii halige ah ayaa isku qarxiyay agagaarka Baar-Bulsho ee Degmada Howlwadaag. gaar ahaan suuq yaraha Sayidka. Waxaa ku dhaawacmay 6 ruux oo 4 ka mid ah ay yihiin 1 Qoys, Inkastoo markii danbe ay Isbitaalka ku geeriyoodeen 3 ka mid ah qoyskii. Allaha u naxriisto," ayuu yiri Saalax Dheere.

Muuqaal-duube si madaxa banaan ula shaqeeya Garowe Online ayaa goobjoogeyaal kasoo xigtay in dadka ku naf-waayey weerarka ay ku jirto haweenay.

Qaramada Midoobay ayaa mar sii horeysay ka dhawaajisay in shacabka ay yihiin kuwa u nugul marka ay qaraxyadda ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Bishaan Maaj 21-keeda ayay ahayd markii qaraxyo lagu beegsaday qaar kamid ah kaamirooyinka qarsoon ee lagu dhejiyey wadada Maka Al Mukarama. Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas.

Kaamirooyinka la burburiyey ayaa ahaa kuwa cusub oo lagu rakibay goobta ka gedaal markii la qarxiyey 20-kii Janaayo ee isla sanadkaan aynu ku jirno ee 2020.

Inkastoo xukuumadda ku adkeysato in ay wax ka qabaneyso, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dhaliilay qaabka ay u wajaheyso la dagaalanka maleeyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida iyo sugitaanka nabad-gelyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM