Al Shabaab oo Ciidanka Koonfur Galbeed kala wareegay Goofgaduud

Image

GOOFGADUUD, Somalia - Malleeshiyada Al Shabaab ayaa saakay dagaal dhiig ku daatey kula wareegay deegaanka Goofgaduud, oo ku dhawaad 30KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Baydhobo, ee xarunta gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in Al shabaab ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka, kadibna ay dagaal culus oo khasaaro geestay kula galeen gudaha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. 

Ciidamada laga soo saarey Goofgaduud ayaa dib ugu gurtay magaalada Baydhobo, oo xarun KMG uu ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa jiro khasaaro aan la shaacin oo gaarey labada dhinac.

Al shabaab ayaa kordhayay weerarada ka dhanka ah deegaanada ay maamusho dowladda Soomaaliya, waxaana mudo bil gudaheeda ah ku qabsadeen 4 deegaan, oo qaarkood ciidamada Ethiopia ka baxeen. 

Maamulka Koonfur Galbeed kama uusan hadlin wali la wareegista Al shabaab ee deegaanka Goofgaduud.

Fahfaahin dheeraad ah kala soco Wararkeena danbe.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM