Al-Shabaab oo dib ula wareegtay Baar-Sanguuni [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Xoogaga Ururka Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay saaka la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Baar-Sanguuni, oo qiyaastii 45-KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo.

La wareegtista ayaa timid markii Ciidamadii halkaasi ku sugnaa oo isagu jira Soomaali, Kenyan iyo Mareykan ay faarujiyeen saldhigyo deegaankaasi ay dhawaan ka dhisteen kadib markii weeraro is-xig-xigay lagu soo qaadey xeradooda.

Ciidamada huwanta ah ayaa xalay kusoo hoydeen deegaanka Yoontey oo qiyaastii 20-KM u jira magaalada Kismaayo ee xarun goboleedka Jubbada Hoose, ahna xarunta KMG ee Jubbaland.

In ka badan 400 Askar ayaa lagu qiyaasay inay gaarayeen Ciidamada kasoo baxay Saldhiga Baar-Sanguuni, sida Warisdaha Garowe Online ay u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay, oo dhanka ciidamada ah.

Dib u gurashada ayaa timid kadib markii Al-Shabaab labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay dhowr weerar oo isqarxin kamid yahay ku qaadey saldhiggan hadda Ciidamada ka guureen, kuwaasi oo lagu dilay Askari Mareykanka ah, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Shalay weeraro loo adeegsaday Gaari lagu soo xiray waxyaabo qarxa ayaa lagu beegsaday Saldhiga, kaasoo ku qarxay banaanka, kadib markii laga hortagey, oo Askari illaalo ahaa uu rasaas ku furey. [Halkan ka akhri Warka].

Jimcadii lasoo dhaafay, sidaas si lamid ah, Al-Shabaab oo weerar ku bilowday Hoobiyaal ku qaaday Saldhiga ciidamada ee Baar- Sanguuni, waxaana ka dhashay dhimashada Askari Mareykan ah iyo dhaawac afar kale.

Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helayno Baar-Sanguuni ayaa sheegayaan in Al-Shabaab ay ku sugan yihiin xarunta ay baneeyeen ciidamada, balse lama oga hadii ay kusii baaqi ahaan doonaan iyo inkale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM