Al-Shabaab oo dib ula wareegtay magaalo ay faarujiyeen ciidamada Kenya

Image

BAARDHEERE, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa dib ula wareegtay degaanka Faafax-dhuun, oo ku dhaw degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib markii ay faarujiyeen ciidamada Kenya maanta oo sabti ah.

Ciidamada kasoo baxay degaanka Faafax-dhuun ayaa u ruqaansadey dhanka Giriiley ee xadka wadanka Kenya, iyadoo aan la ogeyn sababta ay dib ugu gurteen.

Faafax dhuun oo ah mid istitaatiiji ah oo qiyaastii 80-KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Baardheere ayaa ah deegaan istiraatiiji ah oo isku xira magaalooyinka gobolka Gedo.

Ciidamada Kenya ayaa Al-Shabaab kala wareegay degaankan horaantii 2012.

Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay in weerarada ka fuliso Kenya ka abaabusho gobollada xadka ku yaalla, oo Gedo kamid yahay, halkaasi oo ay ka howlgalayaan ciidamada KDF [Kenyan defence forces].

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku guul-dareysatay inay Al-Shabaab ka saarto goobaha ay dalka kaga sugan tahay, iyadoo khatar kooxdan ku hayso amniga qaranka sii xoogeysanayso.

Ciidamada AMISOM, oo ka kooban 22-kun oo Askari ayaa dalka ku sugnaa mudo 12 sano ah, islamarkaana dagaal kula jiray Al-Shabaab, oo wali maamusho dhul ballaaran oo ay ka abaabusho weerarada.

GAROWE ONLINE

 

 

 

 

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM