Al-Shabaab oo dil iyo gowrac u geysatay mas'uuliyiin dowladeed

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dagaalameyaal looga shakisan yahay ururka Al-Shabaab ayaa xalay dil iyo gowrac ka geystay gobolka Gedo ee hoostaga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Illo degaanka ah ayaa xaqiijiyey in dadka la beegsaday ay kamid ahaayeen gudoomiyeyaasha xaafadaha Baardheere.

Tiradda guud ee mas'uuliyiinta la khaarijiyey ayaa ah saddex gudoomiye laameed, sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah.

"Laba kamid ah waxaa ka muuqatay rasaas, halka shaqsiga waa la bireeyay. Falkaan wuxuu ka dhacay xaafada Baay oo gediga shishe ee magaalada ah," ayuu yiri qof kamida dadka degaanka.

Saraakiisha amniga oo qiray dhacdadaas ayaa tilmaamay in ay baaritaano ka bilaabeen halka ay wax ka dhaceen.

"Runtii waa fal aad argagagax u leh. Balse waxaan ku raadjoogaa dadkii ka dambeeyay, waxaana laamaha ammaanka rajeynaynaa in ay soo qaban doonan," ayuu yiri sarkaal u hadlay maamulka.

Al-Shabaab, oo aan wali ka hadlin weerarkaan ay ku naf-goysay saddexdaas mas'uul ayaa inta badan falal noocaan ah iyo afduub waxay ka geystaa magaalooyinka koonfurta Soomaaliya.

Baardheere oo bartamaha uu ka maro Webiga Jubba ayaa la sheegay in ammaankeeda xiliga habeenkii aysan ku jirin gacanta ciidanka dowlada, taas ayaana loo aaneeyaa falalkaan oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM