Al-Shabaab oo dishay nin ajnabi ah, kuwa kalena xabsiga dhigtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ku dishay nin Ajnabi ah, oo la sheegay inuu u dhashay Masar, oo lagu magacabi jiray Abu Anas Al-Misri, sida ay baahisay VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga.

Dilka Al-Misri oo ka dhacay Masaajid dhexdiisa, ayaa loo adeegsaday Bam-gamceed lagu ganay, markii uu diiday inuu isku soo dhiibo dagaalyahano Al-Shabaab kamid ah oo lasoo siiyay amar ah inay isaga soo xiraan.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa xabsi dhigtay xubnoo kale oo Kooxda katirsan, iyadoo ku raadjoogta hogaamiye lagu magacaabo Macalin Daa'uud oo kooxda horey ugu qaabilsanaa gobolka Gedo.

Macluumaadka hoose oo Warsidaha Garowe Online uu helay ayaa sheegay in xubnaha la xiray iyo hogaamiyaha ajnabig ee Masjidka lagu dhex khaarijiyay lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin Ururka Daacish.

Al-Shabaab iyo Daacish oo ka midaysan inay yihiin Ururo loo aqoonsan yahay waxa loogu yeero argagaxiso, ayaa hadana isku haysta awooda maamul ee Koonfurta Soomaaliya, oo sanadihii u dambeeyay ay ku xoog badneyd Al-Shabaab.

Tani waxay imaaneysaa xili Mareykanka uu kordhiyay bilooyinkii lasoo dhaafay weerarada cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaasi oo lagu dilay xubno iyo hogaamiyeyaal badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM