Al shabaab oo Labo u dhalatay dalka India ku dishay Jilib

Image

JILIB, Somalia - Kooxda Al shabaab ayaa Labo muwaadin oo u dhashay dalka India waxay ku dishey degmada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Jilib ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in Al-Shabaab ay dileen labadaasi nin, kadib markii ay uga shakiyeen inay la shaqeeyaan Sirdoonka Reer Galbeedka.

Labada Nin ee kasoo jeeda India oo wali magacyadooda la sheegin, ayaa waxay kamid ahaayeen ragga ajaaniibta ah, ee ka barbar-dagaalami jiray Al shabaab.

Al shabaab kama aysan hadlin dilka labadan qof ee Ajnabiga ah.

Waxaa jira warara hoose oo sheegaya in hogaamiyaasha qaar ee Al shabaaba ay ka shaqeynayaan in ay ku biiraan Daacish, balse culeys ay kala kulmayaan hogaanka sare ee Kooxdan iyo Amniyaatkeeda.

Hogaamiyihii hore ee Al shabaab Axmed Godane ayaa diley dhowr hogaamiye, oo ay kamid ahaayeen Ibraahim Afghan, oo kamid ahaa Aas-aasiyaasha Kooxda iyo Abu Mansoor Al-Amriki oo u dhashay Mareykanka, kadib markii ay kasoo horjeesteen Fekerkiisa gurracnaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jubbaland Ku Dhawaaqday Inay Noqotay Dowlad

Dowladda Federaalka kama aysan hadlin arrintan, oo kusoo beegmaysa xiisad soo bilaabatay Noofambar 2024.

  • Soomaliya

    08-12-2025

  • 06:13AM

Warbixin Sirdoon oo Turki ah oo ka digtay Xaaladda ka jirta Soomaaliya

Qiimeynta ayaa ku adkaysay in Ciidanka Xoogga Dalka uusan weli awoodin amniga dalka la’aanteed taageero shisheeye.

  • Soomaliya

    07-12-2025

  • 07:23AM