Al-shabaab oo qiratay qaraxii diyaarada Daalo

Image

MUQDISHU- Al- shabaab ayaa Afhayeen u hadlay Sabtida waxaa uu sheegey in qaraxii ka dalooliyey dhinaca diyaaradii Daalo ka dambeeyeen.

Qofkii ku dhintey diyaarada Daalo ayaa la rumeysan yahay inuu damacsanaa in dadka diyaarada saaran gabi ahaantooda ku laayo qaraxaan. 

" Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa ka dambeysay qaraxii ka dhacey Daalo, waxayna ka argoosanayeen weerarada sirdoonka masiixiyiinta u gaystaan Somalida Muslimiinta." ayuu sheegey Afhayeenka ururkaan oo email I soo direy saxaafada. 

Asbuucii lasoo dhaafey sirdoonka dalka Mareykanka ayaa sheegey in qaraxa diyaarada ka dambeeyaan. 

Madaxa diyaarada Daalo oo la hadlay saxaafada asbucii la soo dhaafey in qaraxa lala damacsanaa diyaarada Turkiga oo baajisay duulimaad ku imaan lahaayeen magalaada Muqdishu kadib markii shaki ka muujiyeen cimilada .

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM