Al shabaab oo sheegatay inay 39 Askari ka dishay AMISOM

Image

BULO MAREER, Somalia - Al shabaab ayaa sheegtay inay dishay 39 Askari oo katirsanaa Ciidamada AMISOM, kadib weerar ay ku qaadeen Gaadiid ay la socdeen oo marayay duleedka deegaanka Buulo Mareer, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Afhayeenka Al shabaab Cali Dheere ayaa xaqiijiyay inay hayaan Meydadka 39 Askari oo kasoo jeeda dalka Uganda, kuwaasi oo lagu dilay weerarka oo maanta ka dhacay inta u dhaxaysa Golweyn iyo Buulo Mareera, oo ku yaalla wadada isku xirta Marka iyo Baraawe.

Cali Dheer ayaa xusay in 7 Sarkaal ay ku jiraan Askarta AMISOM ee la dilay, isagoo intaasi ku daray inay hayaan meydadkooda, iyo hub iyo gaadiid ay kasoo furteen. AMISOM oo ka hadashay weerarka, ayaa beenisay khasaaraha tirada badan, ee Al shabaab sheegatay.

AMISOM waxay xaqiijisay in Kolonyo ay la socdeen Ciidamada dowladda iyo AMISOM la kulmeen qarax miino, iyagoo ku safraya inta u dhaxaysa Beledul-amiin iyo Buulo Mareer, kaasi oo xigay weerar toos ah oo Al shabaab kusoo qaadey. Waxay sheegeen inay iska caabiyeen dagaalyahanada.

Sarkaal katirsan Ciidamada dowladda gobolka oo lagu magacaabao Col. Muhyadin Yasin ayaa sheegay in 10 Askari ay ku dhinteen weerarka.

Ma jirto Illo-madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada Al shabaab, ee ku aadan dilka 39-ka Askari ee kamid ahaa Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, kaasi oo mudo 10 sano ka socdo Koonfurta iyo Bartamaha dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM