Al Shabaab oo sheegtay inay dishay Wiilka Mukhtaar Roobow

Image

XUDUR, Soomaaliya - Al Shabaab ayaa shaacisay inay dishay wiil uu dhalay Afhayeenkeedi hore Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, kadib dagaal maanta ka dhacay gobolka Bakool.

War lagu baahiyay Warbaahinta afka Al Shabaab ku hadasha ayaa lagu sheegay in wiilka Roobow oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi uu ku dhintay dagaal qaraar oo ay kula galeen malleeshiyaad uu watay deegaanka Abal oo ku dhaw magaalada Xudur.

Dagaalka ka dhacay Abal, oo 18KM u jira magaalada Xudur ayaa yimid kadib markii Xoogaga taabacsan Mukhtaar Roobow iyo ciidamada Koonfur Galbeed ay duulaan ku qaadeen Al Shabaab-ka halkaasi ku sugan.

Al Shabaab ayaa intaasi ku dartay inay 4 qof ay ka dishay ciidamadii weerarka kusoo qaadey kuwasoo uu kamid yahay abaanduulihii malleeshiyaadka Roobow oo magaciisa ku sheegtay Manuur Ganeey.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku biiray dagaalka markii uu kululaaday, iyagoo si buuxa uga saaray Al Shabaab goobihii lagu dagaalamay oo ah dhul Miyi ah, oo duleedka magaalada Xudur ku yaalla.

Roobow iyo malleeshiyaadkiisa ayaa mudo ku dhaw 7 sano Al Shabaab kula dagaalamayay Abal, kadib markii Kooxdaasi uu kasoo goostay sanadkii 2012 xiligaasi oo Godane ku dilay degmada Baraawe hogaamiyaal sare oo Ibraahim Afghan uu kamid ahaa.

Mukhtaar Roobow waxa uu bishii August isku dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna hadda booqasho ku marayaa qaar kamid ah maamul goboleedyada iyadoo aan la ogeyn ujeedka safaradiisa iyo xilka dowladda u magacawday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM