Al-Shabaab oo toogatay 75-jir "guursadey" gabar iyo hooyadeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warbaahinta afka Al-Shabaab ku hadasha ayaa baahisay in ay Kooxda ay meel fagaaro ah oo ku taala degmada Tooratoorow ku toogatay oday 75-jir ah.

Abshir Maxamad Cabdi ayey kooxda gacan-saarka la leh shabakada Al-Qaacida ku eedeysay in uu guursadey Cadeey Manuur Khaliif iyo hooyadeed, oo lagu magacaabo Xaawa Cabdi Bile.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, Cabdi ayaa waxa uu dafiray in uu falkan sameeyay, isaga oo isku dayey in uu ka baxsado gobolka Shabeellaha Hoose, balse waa ay u suurtogeli wayday.

"Maxkamada Al-Shabaab ayaa ku heshay dambiga, oo ugu dambeyntii ku xukuntay dil toogasho oo lagu qaadey," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay xoogagu kasoo saareen gal-dacwadeedkan oo muddo taagnaa.

Hase ahaatee, war-fidiyeenka ma aysan soo bandhigin hadii ninka la toogtay uu helay Qareen difaaca. Geesta kale, sirdoonka Soomaaliya wali kama uusan hadlin dhacdadan.

Goobta xukunka lagu fuliyey Khamiistii shalay ahayd waxaa goobjoog ka ahaa dadweyne fara badan oo la isugu yeeray in ay daawadan qaabka ay wax u dhacaan, taasi oo ah talaabo looga bartey "kooxaha argagixisada ah"

Al-Shabaab ayaa dil toogasho, garbaash, gacan-goyn iyo kuwa kale ku fulisaa shaqsiyaad ay ku eedeyso jaajuusnimo, burcadnimo iyo dambiyo kale oo madani ah, inkasta oo su'aal la gelinayo hanaankeeda cadaaladda.

Hay'addo caalami ah oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa aalaaba si adag u cambaareeya falalkaasi, iyaga oo ku tartarsiinaya dunida in laga hortago "halista sii baaheysa ay kooxdu ku tahay nolosha dadka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM