Al Shabaab oo wareegtay deegaan ku dhaw Baraawe

Image

BARAAWE, Soomaaliya - Xoogaga Al Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay deegaan ku dhaw magaalada Dekeda leh ee Baraawe, oo ku taalla gobolka Shabeellaha hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Dagaalyahano hubaysan, oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay deegaanka Rasaadaay, oo 10Km dhanka waqooyi bari uga beegan Baraawe, saacado kadib markii ay ciidamada AMISOM isaga soo baxeen.

Ma cadda sababta ciidanka Uganda ka socda, ee qeybta ka ah AMISOM ay u soo faarujiyeen deegaankan, oo muhiim u ahaa difaaca degmada Baraawe, oo Oct, sanadkii 2014 laga saarey Al Shabaab.

Bishan horaanteedii, AMISOM iyo ciidamada dowladda ayaa dib uga soo baxay deegaanka Bariire, oo 60Km Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho, iyadoo isla markiiba la wareegtay Al Shabaab.

Wali AMISOM iyo dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin ka bixitaanka ciidamada kasoo baxeen deegaanka ku dhaw Baraawe, balse tani ayaa kusoo beegmaysa xilli Madaxweyne Farmaajo uu wado qorshe military oo Al Shabaab looga saarayo dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM