Al-shabab oo muddo kooban qabsaday masjid ku yaalla Kenya

Image

Dalka Kenya, hogaamiyayaal deegaanka ah ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay qabsadeen muddo kooban masaajid ku yaal magaalada Gaarisa.

Kooxda Shabaab ayaa lagu soo warramay inay muddo labo saacadood ah la hadleen jameecada masaajidka ka hor intaysan duurka galin. Waxay dhaliileen mas'uuliyiinta Kenya iyagoo u digay kuwa u jaajuusaya dowladda.

Bishii hore ayey Al-shabaab qabsadeen jaamacadda Gaarisa ayagoo dilay ku dhawaad boqol iyo konton ruux. Kooxda oo fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa sidoo kale Kenya joogta.

Xigasho: BBC

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM