Amaro culus oo la dul dhigay dadka ku ganacsada hareeraha Zoobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, Cumar Cabdullahi Xasan, ayaa amaro cusub dul dhigay ganacsatada yar yar ee ku ganacsata hareeraha Isgoyska Soobe ee Muqdisho.

Isagoo maanta ka hadlay goobta qaraxa uu ka dhacay 14-kii bishan October, ayaa Gudoomiyaha wuxuu ku dhawaaqay in wixii maanta ka dambeeyay aan lagu ganacsan karin wadada qarkeeda.

Dadka amarkan sida tooska ah u saameynayo waxaa kamid ah Ganacsatada Qaadka, Shidaalka iyo meheradaha yar-yar ee dadka xoog-satada ah ay halkaasi ku lahaan jireen qaraxa kahor.

Maamulka ayaa sheegay in ganacsatada looga baahan yahay iney u hogaansamaan amarka Maamulka ka soo baxay, oo dhaqan-galkiisa uu maanta ka billaabanayo wadadaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in amarkan uu ka dambeeyay markii ay ogaadeen in qaraxii 14-kii bishan uu saameynta ugu badan uu ku yeeshay ganacsatada yar yar ee fadhiyay jidka qarkiisa.

Waxa uu intaasi ku daray in maamulkiisa hadda kadib ka shaqeyn doono sidii ganacsiga yaryar ee aan ku jirin dhismooyinka kuwa u kireysan looga fogeyn lahaa goobaha Isgoysyada ah.

Qaraxiika dhacay Zoobe 14-kii bishan waxaa ku dhintay ku dhawaan 400 oo ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 220 qof kuwaasi oo u badan dad shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM