​Amarro dheeraad ah oo laga soo saaray howlgalka kasocda Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka Amniga Soomaaliya Xil. Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) Taliyaha Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka Cabdullahi Maxamed Cali(Sanbaloolshe), iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Gen. Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid) oo shir jaraa'id ku qabtey xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa soo saarey go'aamo lagu sugayo amniga caasumada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Taliyaha Ciidnka Xooga dalka Soomaaliyeed Axmed Maxamed Jimcaale ayaa sheegey qodobada ay isla garteen Saraakiisha nabad sugida iyo Wasiirka Amniga, ineyyihiin go'aanadan soo socda kuwasoo ay soo jeediyeen Goloha Wasiirada Soomaaliya si loo dardargaliyo barnaamijka xasilinta amaanka Muqdisho.

•Inaan la ogaleyn qof aan ka tirsaneen Ciidanka xooga dalka Soomaaliya inuu ku labisto dharka Tuutaha oo calaamad u ah CXD Soomaaliya.

•Inaan Hub ama Qori lagu dhex qaadan karin magaalada marka laga reebo ciidanka xasilinta amaanka Muqdisho.

•Gaadiidka xooga dalka Soomaaliyeed waxaa lagu amrey iney qaataan cadeynta dhaqdhaqaaqa Gaadiidka, si loo ogaado inuu baabuurkaasi shaqo u socdo.

•In aan Cid loogu turin Howlgalada Xasilinta Caasimada iyo Hub ka dhigista cidii ka hor timaadana talaabo Sharciga waafaqsan laga qaadayo.

•In la baneeyo lagana baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga dalka ee ku yaalla Muqdisho 1 Julaayo ka dib Shacab laguma arki karo Guryaha Ciidamada Xooga.

Taliyha CXD Soomaaliya ayaa codsadey in si dhakhso ah loo dhaqan galiyo qodobadan si loo sugo amniga dalka iyo kan magaalada Muqdisho . Sidoo kalena waxuu CXD ugu baaqey iney ku dhaqmaan go'aanada la soo saarey lana shaqeeyaan ciidanka xasilinta amaanka Muqdisho.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa sheegey iney diyaarinayaan ciidan gaara oo ka shaqeenaya amaanka madaxda dalka kuwaasoo laga diiwaan galin doono xarunta taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana loo sameen doonaa aqoonsi iyo Tuute u gaara balse waxuu mas'uuliyiinta dalka u sheegey iney furi doonaan xafiis uu talisku u mgacaabi doono ilaaladooda gaarka ah si loola socdo dhaq dhaqaaqooda loona siiyo aqoonsi ay ku maraan magaalada inta laga sameynayo ciidanka ilaalada madaxda ee SPU.

Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa balan qaadey inuu ka shaqeyndoono sidii ay Muqdisho ku noqon laheyd magaalo lagu faano dadka joogana ay u heli lahaayeen Nabad iyo Nolol,isagoona cadeeyey iney madaxdu ka mideysan yihiin in si dhakhso ah loo sugo amniga dalka iyo kan Caasumada. Wuxuuna ciidanka ku howlan xsilinta amaanka Muqdhisho kula dardaarmey iney si naxariis leh ula dhaqmaan shacabka.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xil. Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegey in qorshahan uu yahey mid lagu xakameynayo hubka lagu dhex sito magaalada Muqdisho laguna xasilinayo amniga,waxuuna intaasi ku darey iney go'aan kan gaareen Goloha Wasiirada Soomaaliya. sidoo kalena waxuu tilmaamey inaan sadex bilood ka dib caasumada lagu arki doonin qof ku dhex maraya hub bilaa sharciya.

Amarradan ayaa yimid xilli ay jiraan ciidamo dagaal ku dhexmaray gudaha caasumadda mudadii lagu guda jiray qorshaha hubka ka dhigista iyo xasilinta caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM