Amiirka Al-Shabaab oo "bixin la'a mushaharka dagaalameyaashiisa"

Image

NAIROBI, Kenya – Hogaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye Abuu Cubeyda, ayaa bixin kari la' mushaharka dagaalameyaashiisa markii ay soo food-saartay dhaqaalo xumo, sidda uu daabacay jaraa'idka Daily Nation.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, burburka maaliyadeed waxaa dhaliyey daaran khilaafka u dhaxeeya Abuu Cubeyda iyo Mahad Karate, oo ah madaxa guud ee dhaqalaaha xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in Karate, oo awood badan ku dhax leh kooxdan argagixisadda ah, uu si cad ganafka ugu dhuftay in lacagaha baada ee laga soo uruuriyo shacabka uu qeyb ka siiyo amiirkiisa, Abuu Cubeyda.

Si uu u helo dhaqaale uu gunadooda ku siiyo dagaalameyaasha daacada u ah, Abuu Cubeyda ayaa qorsheeyay "in uu xubnaha taageersan u diro degaanada Soomaalida dagto ee Kenya si ay lacago uga soo qaadaan".

Qorshaha cusub oo dhaqan-gelintiisa ay bilaabatay ayaa la xusay in ay qeyb ka tahay afduubashada si magdhow looga qaado, dilal qorsheysan iyo codad qarsoodi ah oo dadka laga duubo si cabsi gelin loogu sameeyo.

Sirdoonka dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa nan wali la jawaabin warbixintan xasaasiga ah ee lagu daabacay wargeyska Daily Nation.

Sikastaba, warbixinta ayaa kusoo gabagabeysay in hindisaha cusub ee Al-Shabaab ku dooneyso in ay ku kobciso dhaqaalaheeda ay hor-boodayaan qab-qablayaal aad looga garanayo degaanada la xusay in ay beegsanayaan.

Khilaafka Abuu Cubeyda iyo Mahad Karate ayaa la fahansan yahay in uu xoogeystay bilooyinkii lasoo dhaafay, waxaana laga cabsi qabaa in uu sababo kala tag baahsan oo horjoogeyaasha ururka soo kala dhex-gala.

Qaramada Midoobay ayaa horey u sheegtay Shabaab ay "nidaam muuryaanimo ah" lacag uga qaadaan ganacsatada ku sugan koonfurta Soomaaliya.

Barnaamijka Bandhiga ee ka baxa laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa ka dhawaajiyey in goobaha ay Al-Shabaab dakhliga ka hesho ay kamid tahay dekada Muqdisho, oo ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Sanadkii 2015-kii ayay ahayd markii Mareykanka uu madaxa Abuu Cubeyda uu dul-dhigay aduun lacageed dhan lix milyan oo Doolar, taasoo la siinayo qof kasta oo keenaya xog lagu qaban karo ama lagu xiro kari 48-jirkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM